Mozambique: In ka badan 90 qof oo ku geeriyoodey doon rogmadey

Image
Doonta oo buux dhaaftay ayaa waxaa lagu waramay in ay la socdeen in ka badan 130 qof.

NAIROBI, Kenya - Doon macmal ah ayaa ku degtay xeebaha waqooyi ee Mozambique, waxaana ku dhintay in ka badan 90 qof oo ay ku jiraan caruur, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Doonta oo buux dhaaftay ayaa waxaa la socday 130-ruux, iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka ku qaraqmay ay ahaayeen caruur, sida uu sheegay TV Diario Nampula, oo ka mid ah xarumaha internetka ee maxaliga ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in doonida ay ka shaqeyneysay inta u dhaxeysa Lunga iyo Jaziiradda Mozambique ee gobolka Nampula ee waqooyiga dalkaasi, markii ay degtay Axadii lasoo dhaafay.

Dadaalka samatabixinta ayaa socday illaa goor dambe oo Isniintii ah, iyadoo la sheegayo in weli dadka la la'yahay lagana rajo qabo in ay degdeg kusoo helaan badbaadiyeyaasha.

"Shan kale oo mayd ah ayaa la helay saacadihii la soo dhaafay, sidaas darteed, waxaan ka hadlaynaa 96 dhimasho ah," ayuu Silverio Nauaito, oo ah maamulaha jasiiradda yar ee u dhow waqooyiga gobolka Nampula oo ay musiibadu ka dhacday, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP ugu dambeyntii warbixinta la heli karo Isniinta.

Horaantii, ugu yaraan 94 qof ayaa dhintay 26 kalena waa la la’yahay, Lourenco Machado, oo ah maamulaha machadka gaadiidka badda ee dalkaas, ayaa Isniintii ka sheegay telefishinka dawladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM