Mucaaradka Zimbabwe oo digniin u direy guddiga doorashada dalkaas

Image

HARARE (GO) - Mucaaradka dalka Zimbabwe ayaa ku eedeyey guddiga doorashada maalnimadii Talaadada in si ula kac ah u daahinayaan natiijada doorashooyinkii ka dhaceen asbuucaan si ay ugu faa'ideystaan talaabadaan xisbiga talada wadankaas haya, doorashooyinkaas oo laga soo sheegayo in lagu sameeyey is-daba-marin tan iyo intii inqilaab aan dhiig ku daadadan talada lagaga qaadey Robert Mugabe.

Doorashooyinkaan oo u dhacey si nabad ah, ayaa hadana waxaa banaanka xarunta xisbiga mucaaradka (MDC) lagu arkayey gawaarida ka hortagta mudaharaadyada halkaasoo tageerayasha MDC ku sugnaayeen.

Waxaa si hordhac ah loo shaaciyey doorashooyinka xildhibaanada Barlamanka balse weli lagama hayo wax natiijo ah kuwa madaxweynaha dalka Zimbabwe.

Guddoomiyaha guddiga doorahsada dalka Zimababwe (ZEC) oo la hadlay saxaafada ayaa sheegey in natiijada doorashada Madaxweynaha aysan diyaar noqoneyn maalinimada Sabtida ka hor.

ZEC ayaa sheegtey ineysan jirin wax la yiraahdo is-daba-marin ama khiyaamo, taasoo muhiim u ah in Zimbabwe dib uga soo baxdo go'doonkii ay ku jirtey taasoo saameyn balaaran ku yeelatey xaalada dhaqaale ee dalkaas.

Si kastaba ha ahaato ZEC ma sharxin sababta xarumaha doorashada si KMG ah ugu shaacin waayeen natiijooyinka.
 
Doorashadaan ayaa u dhexeysa Mnangagwa oo 75 jir ah horey-na madax uga ahaa hay'adaha amniga isagoo dalka Zimbabwe madax ka noqdey markii Mugabe xilka laga qaadey iyo ninka 40 jir ka ah 'Nelson Chamisa' oo madax u ah xisbiga MDC. 
 
Labdaan nin ayaa sheegey iney kalsooni ku qabaan nidaamka doorashadu u dhacdey halka kormeerayaasha wadamada reer galbeedka iyo howl-wadeenada gudaha ay saadaalinayaan in tirada codadka labadaan musharax farqi badan u dhexeyn.
 
GO+WAKAALADAHA

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM