Museveni oo fal argagaxiso ku tilmaamay Qarax ka dhacay Caasimadda Uganda

Image

KAMPALA - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in qarax xalay fiidkii ka dhacay magaalada Kampala uu ahaa fal argagaxiso, isagoo dhanka kale aan sheegin cida ka dambeysa.

Yoweri Museveni ayaa xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa miino la dhigay maqaaxi waqooyiga Kampala ku taalla, oo ah baar qamriga laga cabo sidoo kalena cuntada laga cuno.

Madaxweynuhu wuxuu xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay hal qof, iyadoo 7 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ahaa shacab goobta ku sugnaa.

Saraakiisha amniga ayaa waxay sheegeen in saddex qof ay dhigeen bac walxaha qarxa ku jira nawaaxiga maqaaxida kadibna ay goobta ka baxsadeen kahor inta uusan qaraxa dhicin.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa magaalada Kampala, oo kusoo beegmaya xili bil kahor booliska Uganda uu sheegay inuu kahor tagay weerar lala damacsanaa goob ka dhacaysa aaska taliye ciidan oo kasoo dagaalanmay Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Paul Lokech.

Qaraxyada ayaa ah kuwa dhif iyo nadir ah oo ka dhaca dalkan bariga Africa dhaca. Magaalada Kampala waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo Al-shabaab sheegatay 2010, kaasoo lagu dilay tobanaan qof.

Uganda ayaa qeyb ka ah dalalka Ciidianka ugu badan ugu deeqay howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM