Mustafe Cumar oo soo magacaabay qaar ka mid ah taliyeyaasha laamaha amniga

Image

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed ayaa soo magacaabay qaar kamid ah taliyeyaasha laamaha ammaanka iyo xukummadda.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka.

Taliyeyaasha Liyu booliska.

Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska.

Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska.

Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska.

Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska.

Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska.

Taliyeyaasha booliska caadiga.

Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska.

Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska.

Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta.

Madax xafiiskeeda xafiiska maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa loo magacaabay KhadarJigree Aadaan, oo ah ganacsade ka yimid dalka Mareykanka.

Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa maalinkii xilka loo dhaarinyay qabsaday in muddo toddobo maalmood gudahood uu kusoo dhisi doono xukumadda maamulka.

 Xigasho:BBC

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM