Niger oo laashay iskaashiga milatari kala dhaxeeyay Mareykanka

Image
Go'aankan ayaa imaanaya xilli Washington ay horey u hakisay kaalmadii ay siin jiray dowladda Niger.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqday in go'aan "si degdeg ah" ku dhaqan-galaya ay uga baxdey heshiiskii iskaashiga milatari ee ay la gashay Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladdu ay go’aansatay inay si degdeg ah u cambaareyso heshiiska la xiriira ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee Waaxda Difaaca Mareykanka ee gudaha Niger.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa fiidnimadii Sabtida laga akhriyay telefishanka qaranka ee Niger kaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamadda awooda milatari kula wareegay xukunka.

Maraykanka ayaa weli ku sugan dalka Niger waxaana ka joogga ilaa 1,000 askari oo ku sugan saldhig ciidan oo lagu waramay in lagu dhisay 100 milyan oo dollar.

Dhaqdhaqaaqyada halkaas ka jira ayaa xaddidnaa ilaa Julaay 2023 kadib markii uu dhacay afgambi ciidan ee waddankaas iyadda oo Washington ay hakisay kaalmada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM