Nigeria: In ka badan 10 arday oo laga soo afurtey dabley afduubatay

Image
Lama ogga haddii lacag madax-furasho la bixiyay. Balse, ciidanku waxay xuseen in ay howlgal kusoo badbaadiyeen.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada dowladda Nigeria ayaa waxa ay ku dhawaaqeen inay soo badbaadiyeen lix iyo toban (16) arday oo lagu qafaashay waqooyi galbeed ee dalkaasi oo ay ka dhaceen afduubyo waaweyn.

Dabley ayaa ardaydan qabsatay maalmo uun kadib markii ay si gaar ah u qafaasheen ku dhawaad ​​280 carruur ah oo kasoo jeeda gobolka, halkaas oo kooxaha dembiilayaasha ahi ay beegsadaan dugsiyada si ay uga qaataan lacago madaxfurasho ah.

Ciidanka Nigeria ayaa sheegay in ay sii daayeen 16 arday iyo qof dumar ah Khamiistii. Kooxdan ayaa laga afduubay gobolka Sokoto 9-kii bishii March ee sanadkan 2024.

"La haystayaasha la soo badbaadiyay waxaa lagu wareejiyay dowladda gobolka Sokoto si ay tallaabo dheeraad ah uga qaado," ayuu yiri afhayeenka Major General Edward Buba.

Ma uusan bixin faah faahin ku saabsan howlgalkaasi. Balse, warbaahinta gudaha waxa ay warinaysaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay howlgalkan.

Afduubka ayaa aad ugu badan dalka Nigeria, dhibanayaashana inta badan waa la sii daayaa ka dib wada xaajood lala yeeshay maamulka, inkastoo sharciga 2022 uu mamnuucay in lacag loo gacan galiyo afduubayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM