Nigeria oo xayiraadaha ka qaadey Emirates Airline

Image
Bishii Maarso, Nigeria waxay ka hakisay diyaaradaha Emirates inay u duulaan ama ka baxaan dalkaas.

ABUJA, Nigeria – Nigeria ayaa qaaday xayiraadaha duulimaadyada Emirates Airline, sida Jimcadda todobaadkii lasoo dhaafay uu shaacisay wasaaradda duulista hawadda ee waddankaas.

Bishii Maarso, Nigeria waxay ka hakisay diyaaradaha Emirates inay u duulaan ama ka baxaan dalkaas ka dib markii lagu soo rogay shuruudo dheeri ah oo COVID-19 ah rakaabka Nigeria.

"Maanta waxaan helnay isgaarsiin ka timid Emirates oo meesha ka saartay qaar ka mid ah shuruudaha safarka oo aan walaac ka qabnay," ayuu ka dhawaajiyey wasiiru dowlaha duulista, Hadi Sirika Jimcihii.

Wuxuu ku daray: "Markaan taas sameynay waxaa lagama maarmaan ah in xayiraadda laga qaado Emirates, qaadistan dambe ee xayiraadda ayaa ah mid ka dhalatay wada xaajood dheer oo na dhex maray annaga iyo iyaga".

Bishii Febraayo, Emirates waxay hakisay duullimaadyadii Nigeria ka dib markii dowladda ay ka mamnuucday diyaaradda inay sameyso baaritaanno degdeg ah oo loo yaqaan 'Covid-19' ka hor inta aysan dhoofin dadka safarka ah ee ku duulaya Imaaraadka ee ku sugan garoomada Lagos iyo Abuja.

Tani waxay timid ka dib markii dowladda federaalka ah ee Nigeria ay dadaal u gashay sidii ay u xallin lahayd khilaafaadyada Emirates Airline ee ku saabsan tilmaamaha COVID-19.

Xayiraadda oo si deg-deg ah ku dhaqan-gashay markii la shaaciyey ayaa si kooban loo qaaday ka dib markii ay shirkaddu ogolaatay in la joojiyo tijaabada degdega ah ee antigen-ka ee socotada Nigeria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM