ONLF oo taageertay Mustafa, fariina culusna u dirtay Abiy Axmed

Image

NAIROBI, Kenya - Jabhadda ONLF ayaa war kaso saartey maanta oo Jimco ah Isbedelka dhanka hogaanka sare ee ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka ONLF, ayaa lagu shaaciyay in Jabhadda ay si buuxd u taageertay Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed Cumar, kaasoo dhalay xisbiga haya talada iyo odayaasha degaanka u doorteen inuu noqdo ku sime.

ONLF ayaa ka dalbatay Mustafa inuu la yimaado isbedel cusub, oo ka duwan midkii Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Cabdi Illey, oo hore loogu eedeeyeen inuu geystay xad-gudubyo ka dhan ah bini'aadanimada, xarig aan sharci ahayn iyo dilal siyaasadeysan.

Dhanka kale, ONLF ayaa ugu baaqdy Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed inaysan wax faragelin ah ku sameynin arrimaha dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana ay kaalin wax dhiseysa ka qaadato arrimaha DDSI.

Mustafa, oo 45 jir ah ayaa lasoo shaqeeyay Hay'addo katirsan UN-ka, iyo Save the Children, waxaana uu horey si aad ah wax uga qori jiray taxadiyadii maamulkii Cabdi Illey, iyadoo taasina uu ku waayay walaalkiisa oo sanadkii tagey lagu dilay DDSI.

Mudane Mustafa oo aan xubin ka ahayn xisbiga haya talada DDSI ee ESPDP, ayaa loo doortay inuu sii hogaamiyo DDSI illaa laga qabanayo doorashada 2020-ka, waxaana uu awoodda kala wareegayaa Axmed Cabdi Maxamed [Ilkacase] oo labo todobaadka xilkan soo hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM