Qarax ka dhacay Fagaare uu Abiy Axmed dad kula hadlayay [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Qarax culus ayaa saaka ka dhacay fagaaraha Meskel Square oo ku yaalla magaalada Addis Ababa, halkaasi oo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu kula hadlayay kumanaan qof oo shacab ah.

Qaraxa oo ahaa Bam gacmeed ayaa waxa uu ka dhacay fagaaraha oo si aad ah loo soo buux dhaafiyay, wax yar kadib markii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed dhameystay Khudbadiisa, oo shacabka kula hadlay.

Ciidamada amaanka gaarka Ra'iisul Wasaaraha ayaa isku geedaamey Abiy Axmed markii uu qaraxa dhacay, kadibna halkaasi si deg deg ah uga soo saarey, oo ula dhaqaaqey dhanka aqalka Madaxtooyada.

Warbaahinta Itoobiya ayaa soo warisay in ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen qaraxa, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo Ciidamada amaankuna ay qabteen 3 qof oo looga shakisan yahay qaraxa.

Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa isku-day lala damacsanaa in lagu khaarijiyo Abiy Axmed, balse uu ka badbaaday.

Abiy Axmed oo ka hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Qaraxa loogu tala-galay in lagu wax yeelleeyo shacabka, isagoo balan qaadey in dhacdadan aysan hakin doonin Isbedelka uu wado Xisbigiisa.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan lala eegtay isku soo baxa uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed dadkiisa kula hadlayay maanta, balse Hay'adaha amaanka ayaa sheegay inay su'aallo waydiinayaan shaqsiyaad loo qabtey weerarka.

Abiy Axmed oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada, oo deegaanadooda mudo 3 sano ay ka dhacayeen dibadbaxyo ka dhan ah Xukuumadda ayaa xafiiska loo dhaariyay bishii April, kadib markii uu is casiley Hailemariam Desalegn bishii February.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM