Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Mali oo Xabsi la dhigay iyadoo milateriga xukunka la wareegay

Image

Bamako, Mali – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Mali, Choguel Kokalla Maïga, ayaa la xiray Talaadadii, kaddib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dowladeed.

Maïga, oo xafiiska hayay intii u dhaxeysay 2021 illaa laga eryay xilka bishii Noofembar 2024, ayaa dhawaan la waraystay iyadoo loo haystay kiisas la xiriira maamul xumo iyo lunsasho hanti dadweyne. Xadhiggiisa wuxuu daba socdaa hadallo dhaliil ah oo uu si joogto ah ugu jeedinayay taliska militariga, gaar ahaan kaddib markii doorashooyinkii dalka dib loo dhigay.

Maïga wuxuu xilka ka degay dhowr maalmood un kaddib markii uu si cad u dhaleeceeyay go’aanka militariga ee ahaa in dib loo dhigo doorashooyinka, isagoo tan iyo markaas ahaa mucaarad si weyn uga soo horjeeda xukunka taliska.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Ra’iisul Wasaare hore oo kale, Moussa Mara, isna la xiray 1-da Agoosto, kaddib markii uu bartiisa X (hore Twitter) ku taageeray dadka mucaaradka ah ee xiran, taas oo lagu eedeeyay "waxyeellaynta sumcadda dowladnimada".

Mali waxaa tan iyo 2020 xukuma talis milatari oo xoog ku qabsaday talada, iyadoo 2021 ay mar kale afgambi sameeyeen. Inkastoo ay ballan qaadeen inay xukunka ku wareejinayaan shacabka ugu dambeyn bishii Maarso 2024, hase yeeshee, bishii Juun ee lasoo dhaafay, hogaamiyaha militariga General Assimi Goïta ayaa loo kordhiyay muddada xil hayntiisa ilaa shan sano oo kale.

Taliska militariga ayaa sidoo kale bishii May kala diray dhammaan xisbiyadii siyaasadeed ee dalka, taasoo sare u qaaday cabsi laga qabo in dalka uu galo xasillooni darro siyaasadeed oo sii dheerata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM