Ra'iisul Wasaarihii hore Suudaan oo wajahaya "dacwad dil toogasho ah"

Image
Abdalla Hamdok ayaa haatan waxa uu ku nool yahay magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta.

KHARTUUM, Sudan - Xeer-ilaalinta Sudan ayaa ku eedaysay ra'iisul wasaarihii hore dalkaas Abdalla Hamdok "in uu hurinayo dagaal ka dhan ah dowladda" iyo eedeymo kale oo keeni kara xukun dil ah, sida uu sheegay telefishinka dowladda.

Xafiiska dacwad oogaha waxa uu daacad u yahay taliyaha militariga Abdel Fattah al Burhan, kaas oo ciidamadiisa caadiga ah ay dagaal kula jireen tan iyo bishii Abriil 2023 isaga iyo hogaamiyihii ciidamada militariga Mohamed Hamdan Dagalo.

15 qof oo kale, oo ay ku jiraan saxafiyiin iyo siyaasiyiin sida Hamdok oo kale ku nool dibadda, ayaa wajahaya eedeymo la mid ah sida "ku xadgudubka dastuurka."

Hamdok, oo ahaa siyaasiga rayidka ah ee ugu caansan Suudaan, ayaa ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalkaas ee ku-meel-gaarka kadib kacdoonkii tobanaan sano ee lagu riday Cumar Al-Bashiir.

Hamdok ayaa la dhigay xabsi guri kadib markii bishii Oktoobar 2021 afgambi ay fuliyeen xulafadii hore ee Dagalo iyo Burhaan.

Dib u soo celin kooban ka dib, Hamdok ayaa wuxuu is casilay Janaayo 2022 wuxuuna u cararay Abu Dhabi. Waxa uu tan iyo markii uu dib u soo noqday qayb ka mid ah isbahaysiga cusub ee loo yaqaan Taqadum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM