Rabshadihii Jigjiga oo ku fidey magaalo madaxda labaad ee Itoobiya

Image

DIRIR DHAWE, Itoobiya - Rabshadihii ka dhacey maalintii shalay magaalada Jigjiga ayaa sida wararka aan ku heleyno waxay ku fideen magaalada labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya halkaasoo ay wada dagan yihiin qowmidiyaha Soomaalida iyo Oramada.

Rabshadhii ka dhacey Jigjiga ayaa waxaa boob loo gaystey ganacsiga qowmiyadaha kale ee dagan magaaladaas kuwaasoo lagu diley dad gaaraya 30 qof oo u badan dadka aan Soomalida ahayn.

Warsidaha Garowe Online oo khadka taleefanka kala hadlay qof kamid ah dadka Soomaalida ee dagan magaaladaas ayaa noo sheegey in xaalada cakiran tahay iyadoo rabshaduhu ka socdaan xaafadaha ay kala dagan yihiin labadaan Qowmiyadood. Wararka ayaa xusaya in dad Soomali ah guryo ay daganayeen dab la qabadsiiyey kuwasoo halkaas ku geeryoodey.

Gadiidka Dab-damiska ayaa u gurmadey xaafadahaasla gubey waxayna ku howlan yihiin sidii xaalada u dajin lahaayeen.

"Magaalada Dire Dawa  ayaa waxaa soo gaarey goor hore Booliiska Federaalka waxay isku dayayaan in xaalada dajiyaan oo u muuqata mid faraha kasii baxeysa." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof dagan magaalada Dire Dawa.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada ayaa horey ugu dagaalamay degaanada ay wadadagan yihiin kuwasoo ku yaal magaalooyin u dhexeeya Dire Dawa iyo Jigjiga halkaas oo dhimasho iyo barakac-yo badan ka dhaceen.

Rabsshadahaan ayaa kor u kacey tan iyo intii xilka RW loo doortey Abiy Axmad oo ka soo jeeda qowmiyada Ormada. Abiy ayaan weli ka hadal xaaladaha kasoo kordhay dalka Itoobiya gaar ahaan degaanada Soomaalida iyo Oramada.

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM