Ra'isal wasaare Abiy Axmed oo Addis Ababa kula kulmay Dadka Soomaalida ah [Sawiro]

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA (GO) - Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta magaalada Addis Abbaba kula kulmay ergo ka badan 700 oo qof oo laga soo kala xulay 11ka gobol ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacey Hall-ka loo yaqaan Millennium oo ah halka madaxda aduunka kula hadasho dadka wadankaas waxaana ugu dambeyeey ee dadka Itoobiya kula kulmay Issias Afwerki. 

Dadka kulankaan ka soo qayb galay oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada ' Siyaasiyiin, ganacsato, culimaa'udiin, dhalinyaro IWM'  gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay Ra'isal wasaaraha ka codsadeen in talaabo uu qaado dhinaca cadaalada ah iyadoo sharciga la horkeenayo dadkii xadgudubyada dhinaca bini'aadnimada ka dhanka ah gaystey.

Ra'isal wasaare Abiy ayaa dadka ku bogaadiyey dulqaadkooda balse waxaa uu ka codsadey iney aqabalaan in qowmiyadaha kale ee la dagan nabad kula noolaadaan, islamarkaana ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeynta.

Kulanka Ra'isal wasaarha ee Soomaalida ayaa ku soo beegmaya Sadex maalmood kadib markii xisbiga ka arimiya gobolka Soomaalida Itoobiya Madaxweyne KMG ah u doorteen Mustafa Muhumed Cumar halka dhinaca kale uu noqdey Gudoomiye ku xigeenka xisbiga (ESPDP).

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa ku cadaadisey Madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdi ileey inuu xilka isaga dago iyadoo talabadaan ay sababtey rabshado dad ku dhinteen halka iska horimaadyo dhexmareen qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacey isbadal dhinaca hogaanka ah iyadoo xisbiga dalkaas ka arimiya Ra'isal wasaare u drrteen Abiy Axmad oo kasoo jeeda qowmiyada Oramada.

Qowmiyada Oramada oo ah midda ugu badan dadka ku nool dalka itoobiya ayaa mudaharaadyo socdey 2 sano ka wadey degaanada ay dagaan taasoo curyaamisey dhaqaalaha dalkaas oo lagu tilmaamo inuu yahay mid si xowli ah ku koraya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM