Ra’isal wasaraha dalka Itoobiya oo ka hadlay rabshadahii ka dhacey Jigjiga

Image

ADDIS ABABA - Kadib markii dowlada Federaalka Itoobiya ciidamadeeda la wareegeen xarumaha dowlad degaanka Soomaalida islamarkaana meesha ka saareen Madaxweynaha maamulkaas ayaa waxa markii ugu horeysay ka hadlay arintaan RW dalkaas Abiy ahmad, sida lagu qorey barta Twitter agaasimaha xafiiskiisa Fitsum Arega.

Ra’isal wasaare Abiy oo maanta booqdey ninka kamid ah dadka ugu sareeya kaniisada diinta Orthodox ee Itoobiya kasoo dib ugu soo noqdey dalkaas Kadib markii muddo uu ku maqnaa masaafuris ayaa sheegey in degaanada Soomaalida xaaladooda wnaagsan tahay lana xalin doono arimaha ka taagan.

“Xaalada waa dagan tahay gacantaana lagu hayaa, waxaana lagu dhameyn doono wadahadal ku dhaca si Nabad ah. Dadka dib ha ugu noqdaan Nolol maalmeedkoodii islamarkaana yeysan dhageysan wararka Beenta ah ee la wareejinayo,” Sidaas waxaa yiri Abiy Axmada, bartiisa Twitter-kana soo dhigey agaasimaha guud ee xafiiska RW Itoobiya Fitsum Arega.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan wafdi ka socda dowlada degaanka Soomaalida Itoobiya xisbiga ka arimaya golihiisa dhexe kuwaas oo hogaaminayo ku simaha Madaxweynaha maamulkaas waxayna wada hadal kula jiraan dowlada Federaalka Itoobiya.

RW Abiy Axmad kuma soo hadal qaadin qoraalka laga soo gudbiyey rabshadaha u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada kuwa soo ay ku dhinteen Dad badan kadib markii iska horimaadyo ku dhexmareen degaanada ay wada dagan yihiin ee dalkaas.

Abiy oo isagu kasoo jeeedaa qowmiyada Oromada ayaa xilka RW Itoobiya la wareerey kadib markii wadankaas muddo Labo sano ah ka socdeen mudaharaadyo looga soo horjeedo nidaamkii dalkaas ku dhaqmayey muddo ku dhow 30 sano.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM