Ruushka oo ciidamo u diray dal xiriirka u jaray Reer Galbeedka

Image
Warbaahinta dowladda Niger ayaa sheegtay in ay la yimaadeen hab casri ah oo difaaca hawada ah.

NAIROBI, Kenya - Tobaneeyo tabareyaal ah ka tirsan militariga Ruushka ayaa gaaray waddanka Niger, waxayna qeyb ka yihiin heshiis cusub oo ay la wada galeen militariga dalkaasi, kaasoo xiriirka u jaray reer galbeedka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay la yimaadeen hab casri ah oo difaaca hawada ah. Waxaa la filayaa inay rakibaan nidaamka oo ay baraan ciidamada Niger sida loo isticmaalo.

Dalka Galbeedka Afrika waa mid kamid ah dhowr gobol oo ka tirsan gobolka Saaxil oo ay maamulaan mas'uuliyiinta militariga si ay dhawaan u xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Ruushka.

Afhayeen u hadlay dowladda uu militariga hogaamiyo ee Niger ayaa Jimcihii lasoo dhaafay waxa uu sheegay in Ruushka ay u joogaan dalka si ay u tababaraan askarta.

Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Niger, Mohamed Bazoum, ayaa sanadkii hore waxaa afgambiyay ciidamada militariga, kaasoo tan iyo markii uu xiriirka militari iyo mid diblomaasiyadeed u jaray Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM