Ruushka oo ciidamo u diray dal xiriirka u jaray Reer Galbeedka

Image
Warbaahinta dowladda Niger ayaa sheegtay in ay la yimaadeen hab casri ah oo difaaca hawada ah.

NAIROBI, Kenya - Tobaneeyo tabareyaal ah ka tirsan militariga Ruushka ayaa gaaray waddanka Niger, waxayna qeyb ka yihiin heshiis cusub oo ay la wada galeen militariga dalkaasi, kaasoo xiriirka u jaray reer galbeedka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay la yimaadeen hab casri ah oo difaaca hawada ah. Waxaa la filayaa inay rakibaan nidaamka oo ay baraan ciidamada Niger sida loo isticmaalo.

Dalka Galbeedka Afrika waa mid kamid ah dhowr gobol oo ka tirsan gobolka Saaxil oo ay maamulaan mas'uuliyiinta militariga si ay dhawaan u xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Ruushka.

Afhayeen u hadlay dowladda uu militariga hogaamiyo ee Niger ayaa Jimcihii lasoo dhaafay waxa uu sheegay in Ruushka ay u joogaan dalka si ay u tababaraan askarta.

Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Niger, Mohamed Bazoum, ayaa sanadkii hore waxaa afgambiyay ciidamada militariga, kaasoo tan iyo markii uu xiriirka militari iyo mid diblomaasiyadeed u jaray Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM