Rwanda iyo Uganda oo dib u furay sohdin xirneyd saddex sano

Image
Talaabadan ayaa si weyn waxay uga farxisay dadweynaha labada dal gaar ahaan ganacsatada.

KIGALI, Rwanda - Dhaqdhaqaaq yar ayaa laga dareemayaa xuduudka Rwanda iyo Uganda ee magaaladda Gatuna halkaasoo maanta dib u furmay kaddib ku dhawaad ​​saddex sano oo ay xirneyd.

Sohdinta ayaa la xiray sanadka markii uu ahaa 2019-kii ka kadib markii xiisad culus ay ka dhex-qaraxdey labada dal ee dhaca dalkan dhaca Bariga qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Dhinaca Uganda, waxaa socda dhismaha kastamyada - kuwaas oo qayb ka ah nidaamka xuduudaha ee hal joogsi ah oo laga fulinayo guud ahaan bulshada Bariga Afrika.

Dib u furista xadka ayaa lagu dhawaaqay todobaadkii hore ka dib kulan dhexmaray madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Lt Gen Muhoozi Kainerugaba ee Uganda, kaasoo ah wiilka madaxweyne Yoweri Museveni.

Rwanda ayaa Uganda ku eedeysay in ay xirto oo jirdil u geysato muwaadiniinteeda halka Uganda ay ku eedeysay Rwanda "jaajuusnimo".  Labada dal way beeniyeen eedeymahaas.

Museveni iyo Kagame ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow sannadihii 1980-tii iyo 1990-aadkii xilligaas ay ku loolamayeen awoodda dalalkooda, balse xiriirkoodu waxa uu isu beddelay mid colaadeed.

Kahor xiritaanka, Dhoofinta Ugaandha ee Rwanda -- oo u badan sibidh iyo cunno --- waxay dhamaayeen in ka badan $211 milyan sanadka 2018, sida lagu sheegay tirooyinka Bangiga Adduunka.

Rwanda, oo markii dambe u weecatay in ay xiriir ganacsi la yeelato waddanka Tansaaniya, ayaa Uganda u dhoofisaa alaabo qiimaheedu dhan yahay $13 milyan sanadkii 2018, sida ku cad tirokoobka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM