Rwanda oo beenisay eedeymaha QM ee ku saabsan ka qaybgalka dilka shacabka ee bariga Congo

Image

Kigali – Dowladda Rwanda ayaa Isniintii si adag u beenisay eedeymo ay soo saartay Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR), kuwaasoo sheegayay in ciidamada Rwanda ay gacan ka geysteen dilal ay M23 u geysteen boqolaal qof oo rayid ah gudaha bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Warbixin ay soo saartay OHCHR ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 319 qof lagu dilay weerarro ka dhacay afar tuulo oo katirsan gobolka Kivu-da-Waqooyi, intii u dhaxeysay 9 ilaa 21-ka Luulyo, iyadoo dadkaasi lagu laayey beero ku yaalla deegaanka Rutshuru.

OHCHR ayaa sheegtay in dagaalyahannada M23 ay falkan gaysteen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Rwanda.

Balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “aan la aqbali karin” iyo “been abuur cad”.

Rwanda ayaa sidoo kale ku eedeysay hay’adda xuquuqda aadanaha ee QM in ay “ayadoon caddayn haynin” isku dayayso in ay wiiqdo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan bariga Congo.

Bishii Luulyo, dowladda Congo iyo kooxda M23 ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha ee dalka Qatar heshiis hordhac ah oo ay ku oggolaadeen xabbad-joojin joogto ah, kadib toddobaadyo wadahadallo ah.

Si kastaba, iska horimaadyo ayaa weli ka sii socda dhulka, taasoo khatar gelin karta rajada laga qabo in la gaaro heshiis nabadeed rasmi ah ka hor 18-ka Agoosto.

Qaar ka mid ah warbixinadii hore ee QM ayaa Rwanda ku eedeeyay in ay si toos ah u dirayso kumanaan askari, hub iyo sahay si ay u taageerto M23, hase yeeshee Kigali mar walba way iska fogeysay eedeymahaasi.

Mid ka mid ah shuruudaha heshiiska la filayo waa ilaalinta shacabka iyo in si nabad ah dib ugu laabtaan malaayiinta barakacayaasha ah ee colaadahaasi saameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM