Shaqsiyaad lagu tuhmay qaraxyadii Kampala oo la dilay

Image
Shaqsiyaadka la khaarijiyey waxaa kamid ah Sheikh Muhammad Abas Kirevu oo ah wadaad caan ah.

KAMPALA, Uganda – Booliska ayaa sheegay in todobo tuhmane la dilay, 106 qofna la xiray intii ay socdeen howlgallada ay ciidamada ammaanku u sameeyeen saddex qarax oo ismiidaamin ah oo todobaadkii hore ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala.

Shaqsiyaadka la khaarijiyey waxaa kamid ah Sheikh Muhammad Abas Kirevu oo ah wadaad caan ah. Saxaafaddu waxay qortey in lagu toogtey duleedka caasimadda Uganda. Saraakiishu waxay la xiriireen jihaadiyin.

ISIL (ISIS) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii 16-kii November, oo ay ku dhinteen 7-qof oo ay ku jiraan saddexdii qof ee is-qarxiyay, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Hal askari oo booliis ah ayaa ka mid ah afarta qof ee kale ee la dilay, 27 ka mid ah 37-ka dhaawaca ah ayaa sidoo kale ahaa saraakiil booliis ah.

Weerarkii isbuucii hore, qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay albaabka saldhiga booliska ee bartamaha Kampala. Saddex daqiiqo ka dib labo kale oo ismiidaamin ah ayaa ku qarxay wadada aada xarunta baarlamaanka.

Qaraxyadan ayaa gawaadhida dab qabadsiiyay, waxaana la arkayay firirka muraayadaha oo duulaya, waxaana argagax geliyey saraakiil iyo shaqaalihii ka cararay dhismayaal dhowr dabaq ah.

Weerar ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen meel ku taal bartamaha Uganda ayaa lagu helay 22 dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay in loo diyaarinayo qorista ciidamada ADF, sida ay sheegeen saraakiisha.

ADF waxaa lagu aasaasay Uganda 1990-meeyadii, waxayna markii hore dagaal kula jirtay dowladda saldhigyo ku yaalla galbeedka dalka.

Kooxdan ayaa ugu dambeyntii laga adkaaday oo u qaxay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo halkaas oo ay ka howlgalayeen tan iyo xilligaas, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku eedeysay dilka kumanaan qof oo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM