Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Image
Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

NAIROBI, Kenya - Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay "xasuuq" ka socda Gaza, iyaga oo ku boorriyay 57-ka waddan ee xubnaha ka ah inay cunaqabatayn ku soo rogaan Israa'iil, sidda lagu sheegay qaraarka kasoo baxay shir madaxeedkii Gambia.

Ururka ayaa ugu baaqay xubnahooda in ay cunaqabatayn ku soo rogaan Israa’iil iyo joojinta dhoofinta hubka iyo rasaasta ay ciidankoodu u adeegsadaan dembiga xasuuqa ee Gaza.

Qaraarka Axadda ayaa sidoo kale waxa uu dalalka xubnaha ku booriyay "inay cadaadis dublamaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharciba sameeyaan oo ay qaadaan tallaabo kasta oo lagaga hortagayo si loo joojiyo dembiyada gumaysiga Israa'iil, iyo dagaalka xasuuqa ah ee ay ku hayso dadka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan cunaqabatayn lagu soo rogayo”.

Qaraarka oo lala wadaagay warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale waxa uu si ballaaran ugu baaqday "xabad joojin degdeg ah, joogto ah iyo shuruud la'aan".

Ururka OIC oo la aas aasay 1969-kii kadib markii la gubay Masjidka Al Aqsa ee ku yaala bariga Quddus ee la haysto. OIC waxaa ujeedada loo sameeyay tahay kordhinta midnimada Muslimiinta, taageerida Falastiin iyo difaacida goobaha barakeysan ee Muslimiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM