Shir uu Farmaajo ka qeybgali lahaa oo baaqdey
UGANDA - Dowladda Uganda ayaa dib u dhigtay Shir madaxeedka IGAD oo la filayay in Maanta, Nov 15 ka furmo Caasimadda dalkaas, ee Kampala.
Lindah Nabusayi, oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxweyne Museveni ayaa u sheegtay wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah.
Waxaa lagu casuumey madax uu kamid yahay Farmaajo, waxaana ajandaha shirka uu ahaa in looga hadlay xaaladda Sudan iyo dagaalka Itoobiya.
Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda, balse wuxuu kusoo aadayaa xili gobolka Geesks Afrika uu booqasho ku imaanaya Blinken.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Blinken ayaa booqasho ku tagaya Kenya, isagoo Uhuru kala hadli doono colaadda Itoobiya ka socoto.
Uhuru ayaa shalay tagey Addis Ababa, wuxuuna lasoo kulmay Abiy Axmed, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu fariin uga soo qaadayay Blinken kahor inta uusan ku qaabilin Nairobi Maanta.
GAROWE ONLINE