Shirkad Musuq-maasuqday Mashruuc loogu tala-galay Soomaaliya oo liiska madow la geliyay

Image

NAIROBI, Kenya - Bangiga Adduunka ayaa liiska madow ku daray Shirkad dhanka la-talinta ka shaqeysa oo fadhigeedu yahay dalka Kenya kadib markii musuq-maasuq ay ku sameysay mashruuc loogu gala-galay Soomaaliya.

Baaritaan xafiiska la dagaalanka musuq-maasuqa Bangiga Adduunka ayaa ku helay Africa Development Professional Group (ADP) inay isdaba marin ku sameysay mashruuc malaayiin dollar ku baxaysay oo la-talin dhanka maamulka, maalgelinta, ganacsiga iyo shirkadaha wasaarado katirsan dowladda Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa maalgelinta bixiyay, waxaana qandaraaska oo 21 bilood soconayay la siiyay Shirkadda ADP, taasoo dhaqaalaha lunsatay, iyadoo qiyaanada ay ku kacday sababtay in liiska Madow ee World Bank la geliya, oo dib dambe ula shaqeyn doonin.

"Musuq-maasuq ayaa ka dhigay ADP mid aan xaq u yeelan doonin inuu la siiyo qadraasyo howlaha mashaariicda uu Bangiga Aduunka ka fuliyo Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Bangiga Adduunka.

Mashruuca la musuq-maasuqay ayaa loogu tala-galay in sare loogu qaado awoodda hay'ado katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana kamid ah wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe oo kala shaqeynayeen dib u habeynta nidaamka maaliyadda dalka.

Lama shaacin inta ay la egtahay lacagta la musuq-maasuqay, laakiin Bangiga Adduunka ayaa ku qiyaasay malaayiin dollar, taasoo aan la aqoon meesha ay ka baxday, iyadoo lagu qaban mashruucii loogu tala-galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM