Siduu Cabdiwahaab Cabdisamad dib ugu helay xorriyadiisa?
NAIROBI, Kenya — Professor iyo falanqeeye C/wahaab Sheekh Cabdisamad ayaa xalay dib u helay xoriyaddiisa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah.
C/wahab oo ah aqoonyahan Soomaali-Kenyan ah ayaa 7-dii bishan ay bartamaha magaalada Nairobi Ka wateen rag loo maleeyay inay ka tirsan yihiin Ciidamada qarsoon ee dowladda Kenya.
Prof Cabdiwahaab oo la filayo in uu dhowaan tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo kiiskiisa ayaa raggii watay waxa ay muddo ka badan badan 10 maalmood ku hayeen goob aan la garaneyn.
Ehellada Cabdiwahaab oo qeyb kamid ah ay soo xigatay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa xaqiijiyay inuu caafimaad qabo xalayna uu kusoo hoyday gurigiisa.
Hase ahaatee, eheladda ayaa waxay ka gaabsadeen inay faah-faahin dheeraad ah ay ka bixiyaan sababihii loo afduubay, mana jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay.
Cabdiwahaab ayaa maalmo kahor inta aan la waayin wuxuu baraha bulshada ka waday olole uu ku taageerayo madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo kuna durayo Ikraan Tahliil Faarax.
Isla ololihiisa, Cabdiwahaab ayaa ku dhaleeceynayey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble isaga oo la xiriirinaya dowladaha Imaaraadka Carabta iyo boqortooyada UK.
Farmaajo iyo Rooble ayaa madaxa iskula jira. Is-mar-waagooda wuxuu salka ku haayaa sarkaal ka tirsan hay'adda mukhaabaraadka dalka oo la waayey in ka badan laba bilood kahor.
Ikraan ayaa kiiskeedu gilgilay siyaasada waddanka. Hay'adda sirdoonka qaranka waxay sheegtey in Al-Shabaab ay dishay. Balse kooxda way iska fogeysay. Qoyskeedu wuxuu baadigoobayaa cadaalad.
GAROWE ONLINE