Sierra Leone: Koronto la'aan sababtay inuu shaqada ka tago wasiir awood badan

Image
Shirkadda Korontadda laga leeyahay Turkiga ee Karpowership ayaa jartey korontada muddo todobaadyo ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Korontada ayaa dib loogu soo celiyay Sierra Leone kadib toddobaadyo ay maqneyd sababo ku aadan deyn dhan ay dowladda dalkaas ku lahayd shirkad Turki ah.

Lacagtan oo dhan $18m ayaa timid markii uu is-casilay wasiirkii tamarta ee dalkaasi, isagoo sheegay in uu si buuxda u qaatay mas’uuliyadda dhibaatada.

Inta badan korontada laga adeegsado magaaladda caasimadda ah ee Freetown waxay ka timaadaa markab laga leeyahay dalka Turkiga oo ku soo xirtay xeebaha dalkaas.

Toddobaadkii hore, Karpowership waxay sheegtay inay si ba'an u jartay korontada magaalada - oo ka ahayd 60 megawatts ilaa 6 megawatts - sababtoo ah biilasha oo aan la bixin.

Dadka ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay noolaayeen wax koronto la’aan ah, waxaana sidoo kale saameyn ku yeelatay isbitaallada.

Shirkadda Korontadda laga leeyahay Turkiga ee Karpowership ayaa waxay hore uga jartay adeeggii Sierra Leone bishii Sebtembar sababo la salka ku haya in aan kharashaadka la bixin.

Karpowership waa mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee sabbeynaya warshad koronto, iyadoo dhowr waddan oo Afrikaan ah ay ku tiirsan yihiin koronto.

Bishii Oktoobar, Karpowership ayaa waxay si kooban u jartay adeeggii korontadda waddanka Guinea-Bissau, iyadoo sheegtay inaysan haysan wax ikhtiyaar ah "ka dib muddo dheer oo lacag la'aan ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM