Soomaaliya oo loo ansixiyey aduun dhan $4.3 milyan

Image
Ilaa 90 shaqaale ah ayaa heli doona tababar ku saabsan xog ururinta, isbarbardhigida, falanqaynta iyo faafinta xogta tirakoobka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga maamulka ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay lacag dhan 4.3 milyan oo dollar oo lagu taageerayo horumarinta tirakoobka Soomaaliya.

Guddiga Sanduuqa Horumarinta Afrika, oo ah daaqadda tanaasulka ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika, ayaa oggolaaday deeqda 14-kii Febraayo. Mashruuca Taageerada Horumarinta Tirakoobka ee Soomaaliya ayaa ka koobnaan doona bixinta kaalmo farsamo iyo tababarid shaqaalaha Xafiiska Tirakoobka Qaranka Soomaaliya iyo Waaxaha Tirakoobka Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubaland ee Soomaaliya.

Ilaa 90 shaqaale ah ayaa heli doona tababar ku saabsan xog ururinta, isbarbardhigida, falanqaynta iyo faafinta xogta tirakoobka. Hawlaha kale ee mashruuca waxaa ka mid ah soo saarista buug-gacmeedyo iyo tilmaamo la jaan qaadaya hababka caalamiga ah ee xogta loo xareeyo.

Waxa kale oo ay dhisi doontaa ama horumarin doontaa tas-hiilaadka ICT ee Xafiiska Qaranka ee Tirakoobka iyo Waaxda Tirakoobka ee dawlad-goboleedyada ka faa'iidaysanaya.

Mashruucu waxa uu qayb ka yahay qorshayaasha dib loogu dhisayo awoodda hay’adaha Dowladda Soomaaliya ee ku wiiqmay dhowrkii sano ee colaadaha. Maqnaanshaha xog-dhaqaale iyo bulsho oo hufan ayaa caqabad ku noqotay qorshaynta iyo xannibaadda maalgashiga dalka.

Ujeedadu waa in si weyn looga faa'iidaysto tirakoobka, gaar ahaan dejinta siyaasadda, qorsheynta, go'aan qaadashada, kormeerka iyo qiimeynta. Tani waxay waafaqsan tahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad ee Dalka iyo Istaraatijiyadda Qaranka Soomaaliya ee Horumarinta Tirakoobka.

Mashruuca Taageerada Horumarinta Tirakoobka ee Soomaaliya wuxuu la socdaa dadaallada kobcinta awooda xisaabaadka ee Bangiga Horumarinta Afrika ee dalalka xubnaha ka ah gobolka, wuxuuna la jaan qaadayaa Istaraatiijiyada Kooxda Bankiga ee wax ka qabashada jilicsanaanta iyo Dhisida Adkeysiga Afrika.

Waxa kale oo ay fulisaa mid ka mid ah mudnaanta istaraatiijiyadeed  ee "Hagaajinta tayada nolosha Afrikaanka." Qaybta xisaabaadka ee bangiga ayaa la socon doonta hirgelinta mashruuca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM