Soomaaliya oo loo ansixiyey aduun dhan $4.3 milyan

Image
Ilaa 90 shaqaale ah ayaa heli doona tababar ku saabsan xog ururinta, isbarbardhigida, falanqaynta iyo faafinta xogta tirakoobka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga maamulka ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay lacag dhan 4.3 milyan oo dollar oo lagu taageerayo horumarinta tirakoobka Soomaaliya.

Guddiga Sanduuqa Horumarinta Afrika, oo ah daaqadda tanaasulka ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika, ayaa oggolaaday deeqda 14-kii Febraayo. Mashruuca Taageerada Horumarinta Tirakoobka ee Soomaaliya ayaa ka koobnaan doona bixinta kaalmo farsamo iyo tababarid shaqaalaha Xafiiska Tirakoobka Qaranka Soomaaliya iyo Waaxaha Tirakoobka Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubaland ee Soomaaliya.

Ilaa 90 shaqaale ah ayaa heli doona tababar ku saabsan xog ururinta, isbarbardhigida, falanqaynta iyo faafinta xogta tirakoobka. Hawlaha kale ee mashruuca waxaa ka mid ah soo saarista buug-gacmeedyo iyo tilmaamo la jaan qaadaya hababka caalamiga ah ee xogta loo xareeyo.

Waxa kale oo ay dhisi doontaa ama horumarin doontaa tas-hiilaadka ICT ee Xafiiska Qaranka ee Tirakoobka iyo Waaxda Tirakoobka ee dawlad-goboleedyada ka faa'iidaysanaya.

Mashruucu waxa uu qayb ka yahay qorshayaasha dib loogu dhisayo awoodda hay’adaha Dowladda Soomaaliya ee ku wiiqmay dhowrkii sano ee colaadaha. Maqnaanshaha xog-dhaqaale iyo bulsho oo hufan ayaa caqabad ku noqotay qorshaynta iyo xannibaadda maalgashiga dalka.

Ujeedadu waa in si weyn looga faa'iidaysto tirakoobka, gaar ahaan dejinta siyaasadda, qorsheynta, go'aan qaadashada, kormeerka iyo qiimeynta. Tani waxay waafaqsan tahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad ee Dalka iyo Istaraatijiyadda Qaranka Soomaaliya ee Horumarinta Tirakoobka.

Mashruuca Taageerada Horumarinta Tirakoobka ee Soomaaliya wuxuu la socdaa dadaallada kobcinta awooda xisaabaadka ee Bangiga Horumarinta Afrika ee dalalka xubnaha ka ah gobolka, wuxuuna la jaan qaadayaa Istaraatiijiyada Kooxda Bankiga ee wax ka qabashada jilicsanaanta iyo Dhisida Adkeysiga Afrika.

Waxa kale oo ay fulisaa mid ka mid ah mudnaanta istaraatiijiyadeed  ee "Hagaajinta tayada nolosha Afrikaanka." Qaybta xisaabaadka ee bangiga ayaa la socon doonta hirgelinta mashruuca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM