Soomaaliya oo looga adkaadey xubinimada golaha amniga AU-da

Image
Image
Image
Diblomaasiyiinta iyo Ergada Soomaaliya ayaa sameeyay wax ay ugu yeereen "bilow wanaagsan iyo dadaalo xooggan".

JABUUTI CITY, Jabuuti - Djibouti ayaa Soomaaliya kaga guuleysatay tartan ay u galeen xubnimada Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika taasoo doorashadeeda ay maanta ka dhacdey Addis Ababa.

Jabbuuti oo ku adkaatay 19 cod halka Soomaaliya ay ka heshay  13 cod ayaa waxay Bariga qaaradda Afrika golaha ku meteli doontaa saddexda sanno ee soo socota - oo ah inta u dhaxeysay 2022-2025.

Kooxda Diblomaasiyiinta iyo Ergada Soomaaliya ee Midowga Afrika ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sameeyay wax ay ugu yeereen "bilow wanaagsan iyo dadaalo xooggan".

Dad ku dhow ayaa kasoo xigtey "in ay taageero ballaaran kaga raadinayeen dalalka Midowga Afrika intii uu socday ololaha doorashada kursigan oo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya".

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo kasoo muuqdey hoolka doorashadda ayaa kulamo doceedyo wuxuu la qaatay Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Afrika ee ka qeyb galayay Shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaanan wanaagsaneyn shantii sano ee lasoo dhaafay oo uu jiray nidaamka madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay "wiiqeen xiriirka walaaltinimo ee Jabuuti" wallow dhankooda ay ku doodayaan in ay diiradda saareen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo gaariska siyaasada dibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM