Suudaan: Kumanaan ka banaanbaxay afgembiga ciidan

Image
Tani ayaa imaanaysa xilli ay ku beegan tahay sanadguuradii saddexaad ee kasoo wareegtay kacdoon shacab.

KHARTUUM, Sudan - Dadka ku dhaqan dalka Suudaan ayaa ku biiray dibad baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo la wareegitaanka militariga dalkaasi, xilli ay ku beegan tahay sanadguuradii saddexaad ee kasoo wareegtay kacdoon shacab.

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, halkaasoo ciidamada ammaanka ay kaga jawaabeen sunta dadka ka ilmeysiisa.

Bannaanbaxyada 2019 ayaa horseeday in xukunka laga tuuro madaxweynihii muddada dheer ee Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Hogaamiyayaasha rayidka iyo militariga ayaa markaas galay heshiis awood qeybsi ah oo aan fududayn galaya, ilaa uu afgambigii dhacay bishii Oktoobar.

Bishii la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaarihii xilka laga tuuray ee Abdalla Hamdok ayaa dib loo soo celiyay, kaddib markii xabsi guri lagu riday markii ay ciidamadu la wareegeen.

Balse tillaabadan ayaa ku guul darreysatay in ay joojiso mudaaharaadyada ka socda dalkaasi, halkaas oo dibad-baxayaashu ay ku baaqayeen in la helo hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Axaddii, dibad-baxayaashu waxay u dhaqaaqeen dhanka xarunta madaxtooyada ee Khartoum, halkaas oo uu ku sugan yahay hoggaamiyihii afgambiga sameeyay Gen Abdel Fattah al-Burhan, iyagoo ku dhawaaqaya: "Dadku way xoog badan yihiin, dib-u-gurashona waa wax aan macquul ahayn."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM