Suuqa xerada Dhagaxley oo gubtay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

KENYA - Suuqa weyn ee xerada qaxootiga Dhagaxley ayaa dab qabsadey, kaasoo baab'iyay inta badan goobihii ganacsiga halkaasi ku yaalla, sida ay sheegeen goobjoogiyaal.

Muuqaallo iyo sawirro baraha bulshadda lasoo dhigay ayaa muujinaya dab xoog leh oo xerada ka kacay, iyadoo la arkayay holac iyo qiiq hawada isku dhareeray, iyadoo dadweynaha isku dayayaan inay wixii badbaadin karaan kala soo baxaan meheradaha gubanaya.

Suuqa ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay aad loo camiray, wuxuuna ku yaalla meel ciriiri ah, oo leh waddooyin wareeg ah, luuqyo laga baxo, oo isku xiran. Wax kasta ayaa lagu iibin jiray suuqa, laga bilaabo khudaarta iyo taleefannada gacanta.

Hadda inta badan wixii yaalla suuqa waxay noqdeen dambas, waxaana dad badan ay ku waayeen hantidoodii iyo maciishada. Waana dhibaato kusoo beegmaysa xili abaaro ka jiraan degaanada gobolka Waqooyi Bari.

Ma lahan xerada wax deb-damis ah, iyadoo dhaqaale badan uu yaalla, oo Dhadhaab ay kamid noqotay hadda magaalooyinka ugu waaweyn dhanka ganacsiga Kenya, halkaasoo qaxootigii deganaa sameystay hal-abuur ay ku maareeyaan noloshooda, kadib markii hay'adihii caawin jiray ay inta badan isaga baxeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dab sidan oo kale uga kaco Suuq ku yaalla Dhadhaab, oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo Soomaaliya ah, kuwaasoo tagey intooda badan billowgii dagaalka sokeeye ee dalka 1991.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM