Taliyahii Booliska dowlad degaanka Soomaalida oo la xiray

Image

Addis Ababa ( GO)- Laamaha amaanka ee dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtey Taliyahii hore ee ciidamadda Booliska ee dowlad degaanka Soomaalida Farxaan Taahiir, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Taahiir ayaa waxaa xilka ka qaaday todobaadkan Madaxwaynaha cusub ee DDIS, Mustafa Maxamed Cumar, waxaana loo magacaabay Taliyaha cusub Janaraal Maxamed Xasan Cali [Maxamed Yare].

Xeer-illaalinta dowladda Itoobiya ayaa kusoo eedaysay Taahiir eedaymo ku saabsan dambiyo iyo argagxisinimo, waxaana maanta oo Khamiis ah lasoo taagay Maxkamad ku taala Magaalada Addis Ababa.

Fahfaahinta laga helayo xariga taliyihii hore ee ciidamada Booliska ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa intaas ku daraysa in wali lagu hayo Saldhig Boolis, halkaasoo su'aallo lagu waydiinayo.

Xariga Taahiir iyo Maxkamadda la sheegay in lasoo taagay ayaa kusoo beegmaysa xili dhowaan ay kasoo muuqdeen Maxkamadda Cabdi Maxamed Cumar iyo Lix kamid ah xubnahii lasoo dhaqeeyay, kuwaasoo eedaymo kala duwan loo haysto.

Warbaahinta dowlada Itoobiya oo warka ku saabsan maxkamadeynta Cabdi Illay iyo xubnaha lasoo shaqeeyay baahisay ma aysan soo bandhigin sawiro ama muuqaal muujinaya, taasoo su'aallo badan dhalisay.

Dowlada Itoobiya ayaa lagu eedayey in xarig u gaysaneyso saraakiisha maamulkii hore ee Soomaalida kaliya balse aysan talaabo ka qaadin madaxda maamulada kale kuwasoo qaar kood gaysteen tacdiya ka dhan ah xuquuqda bini'aadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM