Tanzania: 700 qof oo lagu dilay mudaaharaadyada looga soo horjeedo Guusha doorashada Samia Suluhu
DAR ES SALAAM, Tanzania – Ilaa 700 qof ayaa lagu dilay saddex maalmood oo mudaaharaadyo rabshado wata ah oo ka dhacay dalka Tanzania, sida uu sheegay xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Chadema Jimcihii, iyadoo dadka mudaaharaadaya ay weli waddooyinka joogaan xilli ay jirto xannibaad internet iyo bandow habeenkii ah.
Afhayeenka Chadema, John Kitoka, ayaa sheegay in tirada dhimashada ee magaalada Dar es Salaam ay gaartay ku dhowaad 350 qof, halka Mwanza ay dhaaftay 200, isaga oo intaas ku daray:
“Marka la isku daro gobollada kale, tirada guud waxay ku dhowdahay 700,” ayuu yiri Kitoka.
Wuxuu intaas ku daray in tirada dhabta ah ay “ka badan karto” tan, maadaama dilalka qaarkood ay dhici karaan inta lagu jiro bandowga habeenkii.
Mudaaharaadyadan ayaa qarxay kadib doorasho muran dhalisay oo ay ku guuleysatay Madaxweynaha Samia Suluhu Hassan, taas oo lagu eedeeyay in ay xakameyso mucaaradka iyo in la xiray ama laga mamnuucay musharrixiintii waaweynaa ee ka soo horjeeday.
Doorashada Arbaco la soo dhaafay ayaa isu bedeshay rabshado, iyadoo dad badan oo careysan ay burburiyeen boorarka ololaha, weerareen saldhigyo boolis iyo goobaha codbixinta. Tallaabadaas ayaa keentay in la xanibo internet-ka iyo in la soo rogo bandow guud.
Xiritaanka saxaafadda iyo cunaqabataynta isgaarsiinta oo galay maalintiisii saddexaad ayaa ka dhigtay mid adag in xog sugan laga helo dalka gudaahiisa. Ilo amni ayaa u sheegay AFP in ay maqlayaan warar sheegaya in dhimashadu ay gaari karto “700 illaa 800 qof guud ahaan dalka”.
Ururka xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa isna sheegay in uu helay warar sheegaya in ugu yaraan 100 qof la dilay, hase yeeshee tirada dhabta ah aysan wali caddayn.
Isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka qaarkood ayaa diiday inay si toos ah ula hadlaan wariyeyaasha, halka warbaahinta gudaha aysan wax war ah soo tebin tan iyo Arbacadii.
Madaxweyne Samia weli kama aysan hadlin rabshadaha, iyadoo hadalka kaliya ee rasmiga ah uu ka yimid taliyaha ciidamada qalabka sida, Jeneraal Jacob Mkunda, oo mudaaharaadayaasha ku tilmaamay “dambiilayaal”.
Xaaladda Zanzibar
Jasiiradda Zanzibar, oo ah goob dalxiis caan ah, ayaa xisbiga talada haya ee Chama Cha Mapinduzi (CCM) lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada deegaanka Khamiistii.
Laakiin xisbiga mucaaradka ah ACT-Wazalendo ayaa natiijadaas diiday, isagoo sheegay:
“Dadkii reer Zanzibar waa laga xaday codkoodii… xal keliya waa in dib loo qabto doorasho xor ah oo caddaalad ah.”
Xisbigaas ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada in ay buuxiyeen sanduuqyada codbixinta, dadna u oggolaadeen inay marar badan codeeyaan iyagoo aan aqoonsi wadan, halka kormeeryaashoodii laga saaray goobaha tirinta codadka.
Madaxda CCM ayaa lagu wadaa inay shir jaraa’id qabtaan goor dambe maanta.
Mid ka mid ah odayaasha reer Zanzibar oo 70 jir ah ayaa yiri:
“Tan iyo 1995, ma aanan arag doorasho lagu kalsoonaan karo.”
Dadka la hadlay saxaafadda badankood magacyadooda kama aysan hadlin sababo amni awgood.
GAROWE ONLINE