Tanzania: Fatahaadyo galaaftay 58 qof labo toddobaad gudahiisa

Image
Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya.

NAIROBI, Kenya - Daadad ayaa 58 qof ku dilay Tanzania labadii toddobaad ee la soo dhaafay, taas oo saameysay mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dalka ku yaal Bariga Afrika.

Dowladda Tanzania ayaa ku dhawaaqday tirada dhimashada xilli dambe oo Axadii iyadoo roobab mahiigaan ah ay weli ka da’ayaan dalka.

Bisha April ayaa ah tii ugu sareysay ee xilli roobaadka Tansaaniya, waxaana sanadkan uga sii daray musiibada El Nino, kaasoo sababay abaaro iyo fatahaado ka dhacay caalamka.

"Tansaaniya ayaa waxa la sheegay in ay wado qorshayaal ay ku dhisayso 14 biyo-xireen ah si ay uga hortagto fatahaadaha mustaqbalka," ayuu yiri afhayeen u hadlay warbaahinta.

Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya oo sidoo kale dhaliyay dhul go'yo ba'an.

Sikastaba ha ahaatee, in ka badan 75,000 oo beerood ayaa ku waxyeeloobay xeebaha iyo Morogoro - oo qiyaastii 200km (124 mayl) galbeed ka xigta caasimadda dhaqaalaha ee Dar-es-Salaam.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM