Tanzania: Fatahaadyo galaaftay 58 qof labo toddobaad gudahiisa

Image
Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya.

NAIROBI, Kenya - Daadad ayaa 58 qof ku dilay Tanzania labadii toddobaad ee la soo dhaafay, taas oo saameysay mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dalka ku yaal Bariga Afrika.

Dowladda Tanzania ayaa ku dhawaaqday tirada dhimashada xilli dambe oo Axadii iyadoo roobab mahiigaan ah ay weli ka da’ayaan dalka.

Bisha April ayaa ah tii ugu sareysay ee xilli roobaadka Tansaaniya, waxaana sanadkan uga sii daray musiibada El Nino, kaasoo sababay abaaro iyo fatahaado ka dhacay caalamka.

"Tansaaniya ayaa waxa la sheegay in ay wado qorshayaal ay ku dhisayso 14 biyo-xireen ah si ay uga hortagto fatahaadaha mustaqbalka," ayuu yiri afhayeen u hadlay warbaahinta.

Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya oo sidoo kale dhaliyay dhul go'yo ba'an.

Sikastaba ha ahaatee, in ka badan 75,000 oo beerood ayaa ku waxyeeloobay xeebaha iyo Morogoro - oo qiyaastii 200km (124 mayl) galbeed ka xigta caasimadda dhaqaalaha ee Dar-es-Salaam.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM