Tirada dadka ku baracay colaada Itoobiya oo lasoo bandhigay

Image
Dhinacyadda ay dirirta u dhaxeyso ayaa midba kan kale ku eedeynaya hurinta colaadda.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ismaamul goboleedka Canfarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in dad ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii halkaas ka socday tan iyo bishii December, waxayna ku eedeysay ciidammada Tigrayga inay dileen dad rayid ah iyo dhac "oo aan wax galabsan".

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Canfarta uu xanibay in raashin la geeyo gobolka Tigray ee dariska la ah, halkaasi oo dhowr boqol oo kun oo qof ay ku sugan yihiin xaalad macaluul ah.

Dagaal ayaa ka qarxay Tigray bishii Noofambar 2020, waxaana uu iska horkeenay dawladda Itoobiya iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan ciidammada Canfarta, iyo ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF), oo ka talisa gobolka.

Colaadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah iyadoo malaayiin kalena ay ku barakaceen saddex gobol oo ka tirsan Itoobiya iyo dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Dhammaan kooxaha gargaarka caalamiga ah ee Tigray-ga ayaa shidaalkii ka dhammaaday, waxayna ku gaarsiinayaan gargaar lug ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore xusay in 9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar cunto guud ahaan gobollada Tigray, Canfar iyo Axmaarada iyadoo kooxaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada la jaray.

Magacaabistii Abiy Ahmed ee ra’iisul wasaare 2018 ayaa soo afjartay 27 sano oo kooxda TPLF ay haysay maamulka dhexe ee Itoobiya balse xisbigu wuxuu ku ekaaday xukunka gobolka uu ka soo jeedo.

Qolo walba waxay ku eedaynaysaa in ay colaadda hurinayso. Kooxda TPLF ayaa ku eedaysay Abiy in uu awooda dhexe u sameeyay gobolada dalka, taas oo uu diiday, halka Abiy uu ku eedeeyay kooxda TPLF in ay doonayso in ay mar kale dib ugu soo laabato talada dalka, taas oo ay diidantahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM