Tirada Dadka Ku Dhintay Dibadbaxyadii Kenya oo Gaartay 16

Image

NAIROBI – Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyo ballaaran oo dalka Kenya ka dhacay Arbacadii, kuwaas oo ka dhan ahaa dowladda, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Warbixintu waxay muujisay in intooda badan ay dileen ciidamada booliiska.

Boqolaal qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, iyadoo warbaahinta maxalliga ah iyo goobjoogayaal ay sheegeen in booliisku adeegsanayeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo ku shubaya dadka si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha, gaar ahaan caasimadda Nairobi.

Bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Ururka Dhakhaatiirta Kenya, Ururka Qareenada Kenya iyo kooxda dib-u-habeynta booliiska ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dadka dhaawacmay ay qabaan rasaas toos ah oo la la dhacay.

Kumanaan qof ayaa waddooyinka isugu soo baxay magaalooyin kala duwan si ay u xusaan sanad-guuradii dibadbaxyadii hore ee dhacay, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof sanadkii hore.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in banaanbaxa uu yahay isku-day afgembi, oo lasoo abaabulay, mana xusin cida ka dambeysa.

Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday hindise sharciyeed muran dhaliyay oo cashuur kordhinaya, taas oo ay dadweynuhu si weyn uga soo horjeesteen.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa markii dambe ka laabtay qorshaha cashuur kordhinta, hase yeeshee dadweynaha ayaa wali muujinaya caro xoogan oo ka dhalatay sida ay ciidamada ammaanku ula dhaqmeen dibadbaxayaasha.

Bishan horaanteedii, waxaa kale oo dalka ka dhacay dibadbaxyo kale oo ay dhaleeceyn xooggan ka timid kadib markii uu ku geeriyooday nin blogger ah xabsiga booliiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Mar Kale Ku Celiyey In Dalkaasi Uu Heli Doono Marin-Badeed  

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid xasaasi ah, ka dib markii bishii Janaayo ee 2024.

  • Afrika

    04-10-2025

  • 12:00PM

Dhalinyaro Kenyan ah oo Loo Kaxayn Rabay Dagaalka Ukraine oo La Badbaadiyey

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay wado baaritaan ku saabsan muwaadiniin Kenyan ah.

  • Afrika

    29-09-2025

  • 02:03PM