Tobanaan rayid oo lagu laayey weerar lagu qaadey tuulo

Image
Falkan ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay kooxda la magacbaxdey dowladda Islaamka.

NIAMEY, Niger - Dabley hubeysan ayaa 69 qof oo uu ku jiro duq magaalo ku dilay weerar ka dhacay deegaan fog oo ku yaalla Koonfur-galbeed ee Niger, sida uu shaaca ka dhigay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Khamiistii.

Dhacdadan argagaxa badan abuurtey ayaa waxaa laguw aramay in ay qeyb ka noqoneyso mowjado rabshado ah oo ka dhan ah dad rayid ah oo ka dhacay dalkaas sannadkan.

"15 qof ayaa ka badbaaday, waxaana la bilaabay howlgal baaritaan ah," ayuu ka dhawaajiyey wasiirka arrimaha gudaha Alkache Alhada oo la hadlay telefishinka dowladda.

Ilo maxalli ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Khamiistii in weerarku uu Talaadadii ka dhacay Adab-Dab, oo ah tuulo qiyaastii 55 kiiloomitir u jirta Banibangou ee galbeedka gobolka Tillaberi.

Ciidamada difaaca oo saarnaa mooto bajaajta waxaa weeraray "xubno aad u hubeysan oo ka tirsan dowladda Islaamiga ah ee Saxaraha Weyn (ISGS)", kuwaas oo sidoo kale saarnaa mootooyin," ayau tibaaxeen ilo-wareedka.

Weerarku wuxuu ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhaca aagga “saddexda xuduudka” ee Niger ay la wadaagto Burkina Faso iyo Mali, oo ah aag aan xasilloonayn oo xudun u ahayd iska-horimaad muddo sannado ah socday oo u dhexeeya ciidammada dawladda ee qaybta galbeed ee gobolka Saaxil ee Afrika iyo kooxo hubaysan oo xiriir la leh ISIL. (ISIS) iyo al-Qaacida.

Kooxo hubeysan ayaa in ka badan 530 qof ku dilay weerarro ay ku qaadeen dad rayid ah oo ku sugnaa gobollada koonfureed ee Koonfur-galbeed ee Niger sanadkan.

Sikastaba ha ahaatee, tiraddan ayaa shan jeer ka badan dhammaan 2020-kii, sida lagu sheegay xogta ay bixisay Mashruuca Xogta Goobta & Dhacdada Hubeysan (ACLED), oo latalin ka bixisa rabshadaha siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM