TPLF oo la wareegtay magaalo muhiim ah oo ku taalla gobolka Amhara

Image

MEKELLE - Jabhadda TPLF ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee gobolka Amhara ee dalkaasi Ethiopia.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, oo wakaaladda wararka ee Reuters kula hadlay telfoon satellite ah ayaa sheegay in ciidankoodu uu kuwa dowladda ka saaray magaalada Dessie ayna ku sii wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Waxa uu sheegay in ciidanka TPLF uu gacanta ku dhigay askar ka tirsan ciidamada Ethiopia.

Afhayeenka dowladda Ethiopia, Legesse Tulu, ayaan ka jawaabin codsi ah in uu sheegashada TPLF ka hadlo. Wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay warisay in aysan xaqiijin karin sheegashada TPLF.

Agaasime iskuul ku yaalla Dessie ayaa sheegay in uu arkay ciidamada Ethiopia oo dib uga guranaya magaalada subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah, waxayna u bexeen dhanka magaalada Kombolcha, isagoo sheegay in korontadu ay magaalada ka go’an tahay ilaa Jimcihii.

La wareegista Dessie ayaa guul istiraajiyadeed u noqoneysa kooxda TPLF dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda dhexe ee dalkaasi oo isku dayaya in ay jabhadda ka saaraan gobolka Amhara.

Magaaladan ayaa ilaa 385 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, waana magaaladii ugu xaggeysa dhanka koonfurta ee gobolka Amhara ee TPLF ay gaarto tan iyo markii ay gulufkan ku bilowday gobolkan bishii July.

REUTERS

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM