Turkiga oo guulo ka sheegtay duqeyn ka dhan ah Kurdiyiinta

Image
PKK ayaa bilowday dagaalka ay kaga so horjeedo dowladda Turkiga 1984.

ANKARA, Turkey – Wasaaradda Difaaca dalka Turkiga, ayaa Arbacada maanta ah sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen goobo ay Kurdiyiintu Ciraaq iyo Suuriya ku sugan yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeryaha tababarka, dhufeysyo iyo goobaha lagu kaydiyo Rasaasta.

Duqeymahan cirka ah ayaa qeyb ka ah ololaha Turkiga ka wado Ciraaq iyo Suuriya ee ka dhanka ah Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo Maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, oo labaduba uu Turkigu u arko inay yihiin kooxo argagixiso ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga, Hulusi Akar, ayaa sheegtay in hawlgalkaasi lagu guuleystay, isla-markaana lagu dilay “argagixiso badan”.

"Kaliya argagixisada iyo bartilmaameedyo ay leeyihiin ay ku jiraan, hoyga, dhufeysyada, huteello, iyo godadka la soo dejiyey madaxdooda ayaa la garaacay. Argagixisadu waxay mar kale dareemeen neefta ciidamada qalabka sida ee Turkiga oo qoorta ka saaran," ayuu yiri Akar.

Milateriga Ciraaq ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen soo galitaanka Turkiga ee hawada Ciraaq oo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku ah madax-banaanideeda.

Saraakiisha ammaanka ee Ciraaq oo diiday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 weerar oo xagga cirka ah ay ka dhaceen gudaha Ciraaq gaar ahaan agagaarka buurta Sinjar.

PKK ayaa bilowday dagaalka ay kaga so horjeedo dowladda Turkiga 1984, waxaana lau dilay in ka badan 40,000 iskahorimaadka, kuwaas oo markii hore Turkigu inta badan diiradda ku saari jiray howlgalladooda koonfurta bari ee Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM