Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Image
Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in dalkiisa uu kula biiri doono Koonfur Afrika dacwadda xasuuqa ah ee ka dhanka ah Israa’iil ee ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

"Markaan dhammeyno qoraalka sharciga ah ee shaqadeena, waxaan u gudbin doonaa cadeynta ICJ horteeda iyadoo ujeedadu tahay fulinta go'aankan siyaasadeed," ayuu Fidan ayaa Arbacadii ka sheegtay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia Retno Marsudi ee Turkiga caasimadda Ankara.

Fidan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray hadal-jeedintiisa: "Turkigu wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero dadka reer Falastiin xaalad kasta".

Maxkamadda ICJ ayaa ku amartay Israa’iil in ay ka fogaato fal kasta oo ku dhici kara heshiiska xasuuqa iyo in ay xaqiijiso in ciidamadeedu aysan geysan wax xasuuq ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta ka dib markii Koonfur Afrika ay ku eedaysay Israa’iil xasuuqa ay dawladdu hormuudka ka tahay ee Gaza.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii Janaayo sheegay in Turkiga uu dhokumentiyo ku saabsan kiiskan ka bixinaya maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, oo sidoo kale loo yaqaano Maxkamadda Adduunka.

Turkiga oo kamid ah awoodaha ugu tunka weyn waqti-xaadirkan ayaa ku biiri doona Colombia isagoo si rasmi ah u codsan doona inuu ku biiro kiiska ka dhanka ah Israel.

Bishii hore, dalka ku yaalla Koonfurta Ameerika ee Colombia ayaa ugu baaqay ICJ inay u ogolaato inay ku biirto kiiska iyo inay xaqiijiso "badbaadada iyo, runtii, jiritaanka dadka Falastiiniyiinta" kuwaas oo wajahaya duqeymo joogto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM