Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Image

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in boqolaal askari oo Uganda ka yimid si qarsoodi ah ugu gudbeen gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyaga oo aan haysan oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda Kinshasa.

Warbixintu waxay sheegtay in ilaa 1,000 askari laga dajiyay magaalada Bunia iyo gobollada Mahagi iyo Djugu ee gobolka Ituri. Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadaasi loo diray si ay ula dagaallamaan kooxda hubeysan ee CODECO oo ka howlgasha gobolkaas.

Kooxda CODECO ayaa lagu eedeeyay weerarro ka dhacay harada Albert, halkaas oo ay ku yaallaan xarumo saliidda laga qodo oo muhiim u ah Uganda.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan, balse ay tahay in Uganda ay damacsan tahay in ay sugto danaha dhaqaale ee muhiimka ah sida ganacsiga dahabka iyo alwaaxa.

Sannadkii 2021, dowladda DRC ayaa ansixisay in ciidamo Ugandheys ah loo diro degmada Beni si ay ula dagaallamaan kooxda ADF ee xiriirka la leh Daacish. Tan iyo markaas, howlgallada Uganda gudaha Congo ayaa la kordhiyay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada guud ee ciidamada Uganda ku sugan dalkaas.

Waxaa weli taagan su’aalo badan oo ku saabsan joogitaanka Uganda gudaha Congo iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyadan milatari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Mar Kale Ku Celiyey In Dalkaasi Uu Heli Doono Marin-Badeed  

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid xasaasi ah, ka dib markii bishii Janaayo ee 2024.

  • Afrika

    04-10-2025

  • 12:00PM

Dhalinyaro Kenyan ah oo Loo Kaxayn Rabay Dagaalka Ukraine oo La Badbaadiyey

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay wado baaritaan ku saabsan muwaadiniin Kenyan ah.

  • Afrika

    29-09-2025

  • 02:03PM