Wadahadal u bilowdey dowlada Itoobiya iyo TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogaamiyaha TPLF EE dagaalka kula jira dowlada Itoobiya muddo sannad ka badan ayaa sheegay in dublamaasiyadda isu-socodka ah ay horseeday xoogaa horumar ah.

Wareysi naadir ah oo Debretsion Gebremichael uu siiyey BBC-da ayaa shaaca ka dhigay in wadahadalo aan toos ahayn ay la leeyihiin dowladda uu hogaamiyo Abiy Axmed.

Dagaalka ayaa horseeday barakaca malaayiin qof waxayna Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad ​​40% dadka Tigrayga ay la ildaran yihiin cunto yari aad u daran.

Mr Debretsion waxa uu soo jeediyay in dublamaasiyadda horusocodka ah ay shaqeyso, wuxuuna xusay in ay jireen ifafaalo horumar ah kadib wadahadalo aan toos ahayn oo lala yeeshay dowladda Itoobiya.

Gebremichael ayaa BBC-da u sheegay in uu doonayo in xal nabadeed la gaaro balse waxa uu intaa ku daray in hadii loo baahdo ay u dagaalami doonaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda qoomiyada Tigreega.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa muujiyay astaamo muujinaya inuu ka fikirayo beddelka tallaabo milateri taasoo ka dhigan in uu diyaar u yahay gelitaanka wadaxaajoodyo nabadeed.

Maxaabiis ayuu xabsiga ka sii daayay, wuxuuna hadda u arki waayay kooxda TPLF inay khatar ku tahay awooddiisa, wuxuuna qaaday xaaladdii degdegga ahayd.

Balse waxa wadada nabadda sii adkaynaya ayaa ah sheegashada dhulka Axmaarada iyo rabitaanka madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee ah in uu burburiyo kooxda TPLF taasoo qarxin karta dagaal kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM