Wariye caan ah oo iska dhigay mas'uul dowladeed oo la xiray

Image

NAIROBI, Kenya - Laamaha amaanka Kenya, ayaa xabsiga u tixaabay wariye Michael Njoroge Wairimu, oo barnaamij soo jeediye ka ahaa mid kamid ah Idaacaddaha maxali ah ee ugu afka dheer gudaha wadanka deriska la ah Soomaaliya.

Wairimu, ayay kusoo eedeeyeen Booliska inuu iska dhigayay sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adda Sirdoonka ee dalka Kenya, taasoo magaceeda loosoo gaabiyo NIS, islamarkaana xubnaha u shaqeeya ay yihiin kuwa qarsoon.

Saxafiga oo shaqadda Idaacadda laga eryay sanadkii 2010-kii ayaa la sheegay inuu tagay xarrumo badan oo dowladeed, isagoo iska dhigaya inuu yahay Sarkaal sirdoon ah, uuna kasoo qaatay agabyo badan.

Lacag ka badan 50-kun oo Shiling Kenya ah, Dukumiintiyo muhiim ah, iyo macluumaad ay dowladdu leedahay ayay Boolisku sheegeen inuu Michael Njoroge Wairimu, kasoo qaaday xarumaha dowladda.

Booliska ayaa daboolka ka qaaday in Michael Njoroge Wairimu ay hor-gayn doonan Maxkamadda, iyagoo ka codsaday Garsooraye-yaasha inay ku xukumaan sanado badan oo Xabsi ah.

Michael Njoroge Wairimu oo ah 34-sano jir ah ayaa waxaanan la ogayn sababta ku kaliftay inuu talaabadaan ku dhaqaaqo, maadaama uu kamid yahay suxufiyiinta ugu caansan dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamadda Booliska Kenya ay soo xiraan shaqsi iska dhiga mas'uul dowladeed, iyadoo kiis kan lamid ah ay laamaha amaanka usoo xireen qof kale, kaasoo maxkamad sugge ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM