Wasiirka Itoobiyaan ah oo safaaradda Mareykanka ku tilmaamay ‘argagixiso’

Image

ADDIS ABABA - Wasiir ka tirsan xukuumada Abiy Ahmed ayaa madax madax isugu tuurey muran siyaasadeed oo cusub kadib markii safaarada Mareykanka ee Addis Ababa ku tilmaamay "argagixiso iney tahay dalkana ka baxdo.”

Mr Taye Dendea Aredo ayaa ku eedeeyay safaaradda Mareykanka in ay hurineyso dirirta dalka Itoobiya iyadoo dhiiri galineysa argagixisada.

Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu ku sheegay in safaaradda Mareykanka ay sii hurineyso xiisadda iyadoo cabsi abuureysa.

Toddobaadkii hore, safaaraddu waxay ka digtay khatarta weerar argagixiso oo ka dhaca caasimadda Itoobiya iyo meelo kale oo dalka ah.

Waxay sidoo kale uga digtay muwaadiniinta Mareykanka inay ka baxaan wadanka ku yaal Geeska Afrika madaama khatarta dagaalada TPLF sii kordheyso kuwaas oo ku sii siqaya caasimadda.

“Waxaan qoraalkaan qorayaa anigoo ah muwaadin, ee ma aha wasiiru-dawlaha Itoobiya. Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa, ayaa soo bandhigtay macluumaad been abuur ah afar jeer shan maalmood gudahood. Ujeedadu waa iney carqaladeyso dhaqaalaha. Waxay isku dayaysaa inay xannibto dhaqdhaqaaqa ganacsi ee socda  iyada oo abuuraysa cabsi been abuur ah.

“Khasaare weyn ayaa ka dhashay hadalkii la xiriirey in falal argagixiso ka dhacayaan Itoobiya! Haddaba, safaaraddu waxay si aan gabasho lahayn u muujisay inay iyadu tahay  argagixiso! Waxaan filayaa in Dublamaasiyadu leedahay xad iyo hab-maamuus u gaar ah,” ayuu wasiirku qoray.

Mr Aredo ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiyaanku aysan dooneyn in dalkooda noqdo Liibiya kale ama Ciraaq, kuwaas Mareykanku ku  sameeyey faragalin ciidan oo muran badan dhallisay keentay-na in dowladihii dalalkaas ka jirey la rido, dalalkuna noqdaan kuwa awoodi waayey inay dhistaan ​​maamul cusub oo xasiloon.

"Safaaradda Mareykanka , si naxariis leh uga bax Itoobiya, iyo si tartiib tartiib ah Afrika oo dhan.”

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya maalmo kadib markii dowlada Maraykanka ay ka codsatay muwaadiniinteeda inay ka baxaan Addis Ababa markii ay soo baxeen warar sheegaya in jabhada TPLF ay ku soo wajahan tahay caasimada.

Xafiisyada kale ee dublamaasiyadeed, sida kuwa Jarmalka, Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa sidoo kale ka codsaday muwaadiniintooda inay baxaan. Zambia ayaa diyaarad ka soo qaaday muwaadiniinteeda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM