Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ghana oo lagu daray Liiska Cas ee Interpol

Image

ACCRA, Juun 7 — Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ghana, Kenneth Ofori-Atta, ayaa lagu daray liiska Cas ee Interpol, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah uga faa’iiday xilkii dowladeed ee uu hayay.

Xafiiska Dacwad-oogaha Gaarka ah ee Ghana (OSP) ayaa 12-kii Febraayo ku dhawaaqay in Ofori-Atta uu yahay shaqsi la raadinayo oo ka baxsaday cadaaladda, kaddib markii uu dalka ka baxay isagoo aan sheegin goorta uu dib ugu soo laabanayo xadka.

OSP ayaa sheegay inuu Ofori-Atta si rasmi ah ugu wargeliyay inuu yahay eedeysane la xiriira dhowr baaritaan oo musuqmaasuq ah, isla markaana uu u fariistay inuu yimaado xafiiska dacwad-oogaha taariikh cayiman. Lix maalmood kaddib, OSP ayaa shaacisay in Ofori-Atta uu la soo xirii ray si uu ballanta u dib ugu dhigto bisha May, taas oo keentay in laga saaro liiska dadka la raadinayo.

Si kastaba, markii uu ku guuldareystay inuu soo muuqdo sida ballantu ahayd, ayaa mas’uuliyiinta Ghana waxay markale ku darreen liiska Cas ee Interpol, si loo wargeliyo hay’adaha amniga caalamka in la xiro, lana sugo suurtagalnimada in loo soo celiyo dalka.

Eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah ku xadgudubka habraacyada qandaraasyada ee la xiriira ambalaasyo iyo mashruuca dhismaha Kaniisadda Qaranka — mashruuc weli aan la dhameystirin inkastoo dowladda Ghana ay bixisay in ka badan $58 milyan.

Ofori-Atta, oo la rumeysan yahay inuu dalka dibaddiisa u joogay daawayn caafimaad, ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo sheegay in si aan caddaalad ahayn loola dhaqmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM