Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay Kenya [Fahfaahin]

Image

LAMU, Kenya - Weerarka oo loo adeegsaday Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay inta udhaxeysa tuulooyinka Bodhei iyo Keymaha Boni ee is-maamul goboleedka Lamu, ee dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Fahfaahinta laga helayo Qaraxa ayaa sheegaya in lagu dilay Shan kamid ah askarta dowladda Kenya, halka dhaawaca uu gaarayo Lix, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu burbur xoogan gaarsiiyay Gaari nooca xamuulka ah oo ay la socdeen askarta Kenya, kuwaasoo la sheegay inay ku wajahnaayeen xero ciidan oo ku taala degaanka Bodhei.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa in Wasaaradda Difaaca wadankaas ay daboolka ka qaaday inay dhowaan kasoo saari doonta warbixin ay uga hadlayaan xaaladda askarta wax ku noqotay weerarkaan aadka u cuslaa iyo qaabka uu udhacay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan Qaraxa loo adeegsaday, balse, Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah ka geysta degaano iyo degmooyinka ka tirsan dalka Kenya.

Saddexdii sano ee lasoo dhaafay in ka badan 100 Askar ayaa dowladda Kenya looga dilay weeraro ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha dalka Kenya, gaara ahaan dowlad goboleedyadda Lamu, Garissa, Wajir iyo Mandera.

Qaraxaan askarta badan looga dilay dowladda Kenya ayaa imaanaya maalmo un kadib markii Keymaha Boni ay sheegeen sirdoonka Kenya inay ku arkeen in ka badan 200 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo abaabulaya weeraro.

Kenya ayaa tan iyo markii ciidamadeeda ay gudaha u galeen Soomaaliya 2011, ayaa la kulmayso weeraro, iyadoo ay isasa soo tarayeen mudooyinkii dambe baaqyadda gudaha ee ku aadan in ciidamada KDF laga soo saaro Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM