Xaaska askari ka tirsan AMISOM oo si fool xun loo dilay

Image
Bilayska ayaan wali cadeyn sababta ka danbeysa dilkeeda ama loo xiray tuhmane kasta.

NAIROBI, Kenya – Qoyska askari ka tirsan ciidamada Kenya ee ku sugan tuulada Kosachei ee ka tirsan degmada Turbo ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa wajahaya maalmo murugo kadib markii xaaskiisa si xun loo dilay.

Catherine Ruto, oo ah xaaska Patrick Ng’etich, ayaa meydkeeda waxaa gurigeeda ka helay carruurteeda oo dhigta Fasalka Shanaad iyo Fasalka Kowaad, kuwaas oo ka soo laabtay guriga, xilli ay dhex jiiftay barkad dhiig ah.

Haweenaydan oo 29 jir ah ayaa waxay lahayd uur todobo bilood ah oo noqon lahaa ilmaheedii saddexaad, waxaana dhawr jeer ay dhaawacyo toori ah kaga dhaceen qoorta iyo caloosha, waxaana lagala baxay indhaha.

Bilayska ayaan wali cadeyn sababta ka danbeysa dilkeeda ama loo xiray tuhmane kasta. Isku dayo ay warbaahinta u sameysay si ay u hesho xogta kama jawaabin.

Catherine ayaa la dilay iyadoo ninkeeda uu Soomaaliya uga maqan yahay howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ng’etich ayaa la sheegay in uu aad u ilmaameyay ka gedaal markii uu guriga yimid Khamiistii ka dib markii lagu wargeliyay geerida xaaskiisa.

Deriska ayaa tuhunsan nin ay sheegeen inuu ka yimid Kabarnet, inuu mas'uul ka ahaa dilka Catherine. Ninkan ayaa la sheegay in uu haweeneyda soo booqday duhurnimadii ka hor inta aan la helin saacado kadib meydkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM