Xildhibaan caayay Madaxweynaha Ivory Coast oo lagu xukumay 3 sano oo xabis ah

Image

ABIDJAN – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ku-meel-gaarka ah ee Mali ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah gudaha dalka Ivory Coast, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira aflagaado uu u jeediyay madaxweynaha dalkaasi, sida ay sheegeen ilo maxkamadeed.

Mamadou Hawa Gassama, oo xubin ka ah baarlamaanka ay dhiseen milatariga Mali, ayaa la xiray bishii Luulyo ee la soo dhaafay xilli uu booqasho ku joogay Ivory Coast. Xeer-ilaaliyayaashu waxay sheegeen in Gassama uu Madaxweyne Alassane Ouattara ku tilmaamay “kaligii-taliye” iyo “cadowga Mali,” isla markaana uu si adag u dhaliilay hoggaamintiisa qoraallo uu ku baahiyay baraha bulshada iyo wareysiyo uu bixiyay.

Maxkamad ku taalla Abidjan ayaa ku heshay Gassama dambiga aflagaadada madaxda qaranka, waxaana lagu riday xukun xabsi ah oo gaaraya saddex sano.

Gassama, oo ka qeybgalay mudaaharaad sanadkii 2018, ayaa caan ku ah hadalkiisa tooska ah iyo inuu si cad u muujiyo aragtidiisa siyaasadeed.

Xiriirka u dhexeeya Mali iyo Ivory Coast ayaa sii xumaanayay tan iyo markii ciidamada Mali ay xukunka la wareegeen sanadkii 2020. Madaxweyne Ouattara, oo ah xulafo dhow la ah Faransiiska, ayaa si joogto ah u dhaliilay afgambiyada ka dhacay Mali iyo dalal kale oo Galbeedka Afrika ah.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxday dowladda Ivory Coast oo ku saabsan in Gassama loo masaafurin doono Mali kadib marka uu xukunkiisa dhammeysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM