Xildhibaanada baarlamaanka Ghana oo isku gacan-qaadey

Image
Xildhibaanada ayaa mid-mid foodda isku daray, gacanta iskula tagay laad iyo feerarna iskula dhacay.

ACCRA, Ghana – Gacan-ka-hadal ayaa ka dhex dhacay baarlamaanka Ghana fadhi ay yeesheen xilli habeenimo ah kaasoo looga doodey canshuur ay dowladdu soo jeedisay in lagu soo rogo wax kala iibsiga elektaroonigga ah.

Xildhibaanada ayaa mid-mid foodda isku daray, gacanta iskula tagay laad iyo feerarna iskula dhacay, halka qaar kalena ay isku dayeen inay joojiyaan dagaalka.

Qalalaasaha ayaa billowday kaddib markii xildhibaannada mucaaradka ay ku degdegeen si ay uga hortagaan guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Joseph Osei Owusu inuu ka tago kursigiisa si uu u codeeyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Owusu ayaa wuxuu shir guddoominayay fadhigii oo kadib la hakiyay kadib khalkhalkii dhacay.

Xisbiga mucaaradka ah ee National Democratic Congress (NDC) ayaa diiday soo jeedinta canshuuraha ee 1.75% ee wax kala iibsiga elektaroonigga ah, oo ay ku jiraan lacagaha moobilada.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga, canshuurta waxay saameyn doontaa dadka dakhligoodu yar yahay iyo kuwa ka baxsan qaybta bangiyada rasmiga ah.

Wasiirka maaliyadda, Ken Ofori-Artta, ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in la ballaariyo shabaqyada canshuuraha, isaga oo ku dooday in ay soo kordhin karto 6.9 bilyan oo ah lacagta Ghana ah una dhiganta $ 1.15 bilyan sanadka soo socda.

Kalfadhiga baarlamaanka ayaa billowday subaxnimadii Isniinta, waxaana lagu kala kacay saqdii dhexe kaddib, sida uu ku warramay wargeyska maxalliga ah ee Graphic.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM