Uganda oo ka fekereysa in ciidankeeda kala baxdo Somalia

Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa rumeysan in Soomaaliya uu hayo wax uu ku sifeeyay "AIDS siyaasadeed" isaga oo ku hanjabay in uu ciidamada dalkiisa ka saarayo howlgalka AMISOM.

Isaga oo la hadlaya Tv-ga reer France ee France 24, Museveni oo kamid ah saaxiibada dhow ee maamulka waqtigu ka dhacay ee Farmaajo ayaa tibaaxay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad iyo ciidamo shaqeynaya.

"Tani waxay lamid tahay marka jirku difaacii ka lumo sidda cudurka AIDS-ka taasoo ay noqotay siyaasadda Soomaaliya," ayuu yiri Museveni oo hoosta ka xariqay in uusan in ciidamo ajnabi ay ilaaliyaan waddankiisa.

Sida laga soo xigtay Museveni, dowladda Uganda ayaa dhowr jeer isku day in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya balse ay dhinacyo kale ka hortageen. Ma bixin tafaasiil ku saabsan darafyadda kale uu ka xusay.

Midowga Afrika ayuu carabka ku dhuftey in uu kala hadlayo haddii uu ciidamadda wadankiisa kasoo saarayo Soomaaliya. Howlgalka AMISOM wuxuu hadda wajahayaa hubanti la'aan maadaama waqtigiisu uu dhamaadey.

"Hadii ciidamadda Soomaaliya ay goor sii horeysay qaadan lahaayeen mas'uuliyadda ka saaran waddankooda Soomaaliya mar sii horeysay ayay ka bixi lahayd dhibaatooyinka," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Dhawaqa Museveni ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo Soomaaliya ay haatan wajahayso qalalaase ka dhashay kiiska haweenay ka tirsan hay'ada sirdoonka Ikraan Tahliil Faarax taasoo la waayey laba bilood kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM