Zanzibar: Dalxiiseyaal wax ku cunay goob fagaare ah oo xabsi loo taxaabay

Image
Zanzibar, oo in ka badan 98% dadka ku nooli ay yihiin Muslimiin, wax ku cunista goobaha caamka ah inta lagu jiro Ramadaanka waa dambi weyn.

NAIROBI, Kenya - Booliska Zanzibar ayaa xiray dad gaaraya 12 qof oo wax ku cunay kuna cabay goobaha ay bulshadu ku badan tahay inta lagu guda jiro bishan soonka, sida uu qoray wargeyska The Citizen.

Taliyaha Booliska Jaziiradan, Abubakar Khamis Ally, ayaa Kay goodiyey in saraakiishiisa aysan ka waaban doonin in ay qabtaan cid kasta oo ku xad gudubta mabaadi’da Islaamka.

Zanzibar, oo in ka badan 98% dadka ku nooli ay yihiin Muslimiin, wax ku cunista goobaha caamka ah inta lagu jiro Ramadaanka waa dambi weyn.

Guddida Dalxiiska ee Zanzibar ayaa Wakaaladda socdaalka ee Faransiiska, Organisant Francophone Tours and Travel, ku ganaaxay $500 ka dib markii ay u ogolaatay dalxiisayaasha inay wax ku cunaan goobaha caamka ah.

"Guddigu wuxuu xasuusinayaa in mabaadi'da Islaamku ay khuseeyaan qof kasta oo ku nool Zanzibar, iyada oo aan loo eegin asal ahaan. Makhaayadaha aan ku yaalin hoteellada waa inay xirnaadaan maalintii, hoteellada iyo goobaha nasashada waa inay xaddidaan adeegyada cuntada ee dhismahooda," ayuu Guddiga ku yiri qoraal uu soo saarey.

Zanzibar, oo ah qayb ka mid ah Tanzania, ayaa ka duwan waddanka intiisa kale, sababtoo ah waxaa ku badan Muslimiinta.

Inta lagu jiro bisha Ramadaan, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca, Muslimiintu way soomaan, iyaga oo ka fogaanaya cunista, cabbitaanka iyo sigaarka. Jasiiraddan, xeerarkani waa muqadas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM