Aamusnaanta maamulada ee xiisada Dastuurka Soomaaliya: Dhagar mise Dheef?

Image
Kaliya Puntland ayaa illaa hadda si cad u diidey isbeddelka uu baarlamaanka federaalka ku sameeyay dastuurka KMG ah ee dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaan wali coddeyn mowqifkooda ku wajahan ansixinta baarlamaanka ee wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya ee lagu muransan yahay.

Illaa haatan, si dhab ah looma ogga ujeedada aamusnaanta maamuladda. Balse warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kuwaas oo ay kala faafinayaan mucaaradka iyo taageereyaasha Villa Soomaaliya.

Kaliya Puntland ayaa illaa hadda si cad u diidey isbeddelka uu baarlamaanka federaalka ku sameeyay dastuurka KMG ah ee dalka, waxayna ku dhawaaqdey inay aqoonsiga kala noqdeen hay’adaha dowladda federaalka ah.

Qoraal ka soo baxay Golaha Wasiirada Maamulka, ayaa waxay Puntland ku doodey in Dastuurka la sameeyay sanadkii 2012-kii, wax laga bedelay, iyadoo aysan ka qeybgelin dhammaan shacabka Somaaliyeed.

Puntland waa maamulka ugu da’da weyn dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka halkaas oo ay ku metelaan 48 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka dalka, iyo sidoo kale wasiirro ku jira dhammaan hay’adaha federaalka ah.

Ma cadda in Puntland ay dib ugu yeeri doonto Xildhibaanada, Wasiirada iyo shaqaalaha rayidka ah ee ka soo jeeda deegaanada Maamulkaasi, kuwaasi oo qeyb ka ah Hay’adaha Federaalka.

Khilaafku wuxuu salka ku hayaa isbeddelka afarta cutub ee ugu horreeya iyo wax ka beddelka la filayo in lagu sameeyo dhammaan 15-ka cutub ee dastuurka ku-meel-gaarka ah.

Isbedelada ugu waaweyn ee ilaa hadda la sameeyay ayaa ku saabsan awoodaha madaxweynaha, tirada xisbiyada siyaasadeed ee qaranka, doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Qadiyadda doorashooyinka ayaa loo badinayaan meelaha ay diidmada ugu culus ka imaan doonto marka laga hadlo mowqifka dowlad goboleedyadda kuwaas oo haatan aamusan kana dhuumanaya in ay cabiraan fekerkooda.

Sikastaba ha ahaatee, aamusnaanta maamuladda ma waxay ku saleysan tahay dhagar cusub oo ay u maleegayaan Villa Soomaaliya mise waa dheef ka dhididin doonta mucaaradka waqti xaadirkan dibad jooga ka ah siyaasadda Soomaaliya?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM