Al-Shabaab oo ka faa'iideysatay hakadka howlgalada ciidamadda

Image
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu dib-u-dhac kale ku yimaadey wajiga labaad ee gulufka ciidan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa hadda hakad ku jira, waxaana wejigiisa labaad aadka loo sugayey uu u muuqdaa in uu mar kale ku yimaade dib-u-dhac kale.

Al-Shabaab, garabka shabakadda al-Qaacida ee Bariga Afrika oo ka faa'iideysanaya hakadkan ayaa dardargelisay howlgalada qorsheysan ee ay la beegsaneyso saldhigyadda ciidamada iyo xarumaha dowladda.

Khuburada ammaanka ayaa dardarta cusub ee kooxda ay lasoo baxdey ay ka dhigan tahay in ay dooneyso in ay ka faa'iideysato hakadka ku yimaadey cadaadiska ay kala kulmayeen howlgaladda.

Dabayaaqadii todobaadkii hore, caasimadda Soomaaliya waxaa ruxay qaraxyo is xigxigay iyo rasaas kadib markii dabley Al-Shabaab ah ay galeen hoteelka Pearl Beach ee ku yaalla xeebta Liido.

Ka dib markii uu ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa gudaha u galay kooxihii weerarka soo qaaday, iyagoo la wareegay Hotelka, waxayna qafaasheen dad kala duwan.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa saacado kadib waxaa u suuragashay in ay soo afjaraan go’doomintaasi, inkastoo ugu yaraan 9 qof ay dileen kooxda Al-Shabaab intii uu socday weerarka.

Qabsashadda hoteelka, oo ah dhacdo naxdin leh, ayaa ahayd falkii ugu horreysay tan iyo bishii Nov, 2022, markaasoo ay Al-shabaab weerareen Hotel Villa Rays oo waxyar u jira madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, bishii Febraayo 2023, waxay sidoo kale qabsadeen guri uu ka degan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milateriga, kaasoo sidoo kale martigelinayay xubno ka tirsan Macawisley.

Axadii todobaadkan ayay Shabaabku isku dayeen in ay Muqdisho ku dilaan sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa ee meelaha fog laga hago.

Qaraxaas ayaa yimid todobaad un kadib markii qarax kan la mid ah uu magaalada ka dhacay kaas oo lala beegsaday sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ilaaladiisa gaarka ah.

Dilalka qorsheysan ee loo adeegsado walxaha qarxa (IED) waa xeelad taariikhi ah oo ay caan ku yihiin kooxaha jihaad-aloosyaasha ah waxaana inta badan ay ka dhacaan magaaladda Muqdisho.

Weerada iyo qaraxyadda todobaadka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxay imaanayaan kadib weeraro waaweyn oo xiriir ah oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Soomaaliya oo dhan.

Dabayaaqadii todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow ee koonfurta gobolka Gedo halkaas oo ah khasaaro badan ay ka dhasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM