Bartilmaameedka wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab

Image
Lataliyaha amniga madaxweynaha Soomaaliya ayaa daaha ka qaadey qariiradda howlgaladan dhowaan bilaaban doona.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgaladda ciidamadda Soomaaliya ay haatan ka wadaan Bariga Wabiga Shabeelle iyo qaybo kamid ah Galmudug ayaa ah dhameystirka wajiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali, lataliyaha amniga madaxweynaha Soomaaliya, ayaa shaaca ka dhigay in dhaqdhaqaaqyadan ay kaliya si wadajir ah u sameynayaan ciidamadda dowladda iyo dadka degaanka.

"Wajiga labaad wali si rasmi ah uma bilaaban," ayuu Xuseen u sheegay Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda Mareykanka laga leeyahay ee VOA-da.

Sidda laga soo xigtey Xuseen, wajiga labaad ee howlgaladdan ciidamadda ayaa diiradda saari doona Galbeedka Wabiga Shabelle wuxuuna gaari doonaa illaa xuduudaha Soomaaliya la wadaagto Kenya iyo Itoobiya.

"Ciidaamdda Safka Hore wali dalka ma aysan soo gelin, balse kooxo horudhac ah u ah ayaa la filan karaan labada todobaad ee nagu soo aadan," ayuu hadalkiisa kusii daray Xuseen.

Wabiga Shabelle oo ka yimaada dhinaca Itoobiya ayaa waxa uu maraa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe oo ka kala tirsan maamul goboleedyadda kala ah Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa kumanaan ciidamo ah usoo diraya Soomaaliya si ay uga qeyb-qaataan wajiga labaad ee xoreynta degaanada ay haatan gacanta ku hayaan xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Gobolka Jubada Dhexe oo kooxda ay si buuxda gacanta ugu hayso ayaa la tibaaxay in uu kamid yahay bartilmaameedka ugu xooggan waxaana la aaminsan yahay in uu halkaas ka dhici doono dagaalka ugu xoogga badan.

Madaxwayneyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa waxay isku-raaceen in wajiga labaad ee baacsiga Al-Shabaab uu noqdo "mid mideysan, abaabulan oo hadaf leh".

Saraakiisha gaashaandhiga dalalkan oo ku kulmay Muqdisho dhowr todobaad kahor waxay ku heshiiyeen in istaraatiijiyada ay qaadanayaan in ay noqon doonto mid "xididaha loogu siibayo kooxaha Khawaarijta ah".

Guul walba oo laga gaaro wajiga labaad ee howlgalada ayaa dhabaha waxay u xaari doontaa in ciidamadda Midowga Afrika ee ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya bisha December, 2024 balse fashil kasta wuxuu keenayaa cawaaqib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM